Gabar 8 jir oo dhiigbax u dhimatay habeenka aqalgaynta

Gabar yar oo siddeed jir ah oo u dhalatay dalka Yaman oo lagu magacaabo  Ruwaan

ayaa dhimatay markii loo gurigeeyay nin dhaafay 40 sano, habeenkii koowaad

aqalgalka ayaa waxaa gaaray dhaawac culus taasoo la sheegay ninka inuu ka

dilaaciyay ilmaggaleenka markaas ayay dhiigbax u dhimatay , booliska ayaa isla

markii arrinta soo dabagalay waxayna qabteen  aabbaha ilaa iyo hadda ayayna

haystaan, waxaa kaloo la sheegay in arrintaas ay ku soo badatay dalka yaman,

dadka hantida leh ee reer Yaman waxay ka faa'idaystaan dadka saboolka ah waxay

guursadaan gabdhaha yaryar, iyagoo aan eegaynin awoodda gabadha ay leedahay jir

ahaan.
Previous Post Next Post