Sh. Siyaad Axmed oo sabab u noqday seddex ruux inay soo islaamaan

Sh. Siyaad iyo  ninka soo islaamay
Sh. Siyaad iyo  ninka soo islaamay
Waxaan ku mahdinaynaa marka hore Allaha na abuuray oo naga dhigay dad islaam ah, marka labaadna waxaan u hambalyaynaynaa walaalkeena Sh. Siyaad Axmed oo imaam masjid ka ah dalka Norwey ayaa wuxuu u sabab noqday inuu soo islaamo nin u dhashay dalka Norway gaar ahaan magaalada BODŲ oo ku taalla waqooyiga Norway, waa meesha aan qoraxda ka dhicin, walaalkeena Sh. Siyaad magaaladaas ayuu ramadaankan salaadda taraaxwiixda ka tujinayay kana jeedin jiray khudabadooyinka, wuxuu soo islaamay ninkan ramadaanka tobankii danbe habeenadi ugu dambeeyay
waxaa la dhihi jiray markii hore magaciisa CANADI hadana waxaa la dhahaa ABUU BAKAR.
waa nin aad ugu dadaalaya in uu dakiisa gaalada ah in uu diinta gaarsiyo oo fees buuga ayuu islaamka kaga sheekeeyaa.


walaalkeena Sh. siyaad sidoo kale labo nin kale ayaa jira islaanimadooda uu sabab u noqday oo u dhashay dalka HOLANDA oo ku noolaa magaalada Amsterdam labadooda waxay soo islaameen bishii 7aad 2009 mid asalkiisu waa HOLANDEYS midka kalena waxuu u dhashay dalka KOONGO laakiin waxuu ku dhashay wadanka HOLANDA , Sh. Siyaad wuxuu ka baxay jaamacadda Al-azar kulliyadda tarbiyada qaybta daraasaadka islamka , waxaan leenahay Ilaahay haka abaalmariyo, waxaa farxad weyn u ah ummadda islaamka gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed in laga helo rag sidan ah oo islaamka gaarsiinaya wadamada yurubta

















Previous Post Next Post