Buugga Sheekooyin Soomaaliyeed



Qoraaga
          Axmed F. Cali Idaajaa    
Mawduucca
          Sheeko / Taariikh / Suugaan    
ISBN
          0000    
Luuqadda
          Af-Soomaaliga    
La Daabacay
          2007

Faahfaahin
Cidina intay dhiirato dhab uma sheegi karto sheekooyinkaan shanta ahi xilliyadii ay dhaceen. Macneheedu wuxuu yahay: lama hubo sannadihii ay dhaceeni kuwii ay ahaayeen. Sidaas oo ay tahay, haddana waa la maamin karaa, waxaana lagu male weyn yahay inay ku aaddan yihiin labadii qarni ee ka horreeyey midkaan hadda bilawga ah ee 21d.
Saddex ka mid ahi(Mataan-Ciideed, Wiilwaal iyo Aadan Galaydh) waxay ku beegan yihiin qarnigii 19d qaybtiisii hore. Labada kale (Shire Jaamac-Gaar iyo midda reer Tuurgadaal) waxay iyaguna ku aadan yihiin bilowgii iyo bartamihii kii 20d.
Afkasta ha la isugu weriyo,cid kastaa ha weriso, ifka meeshii ay doontana ha ka dhacdee, sheeko kastaa dulucloo weriyo ayay leedahay. Kuwaanina kama duwana oo tilmaamahaas ayay wada leeyihiin. Malahayga, dulucda ay xambaarsan yihiin ayaa sabab u ah waxa ay u halmaami weydey ee muddada dheer ay Soomaalidu isugu werinaysey. Taana in aan carrabka ku dhufto waxaa aan ka door-biday in aanan ku dhufan, si aan akhristaha ugu daayo inuu isagu sheeko walba kala soo dhex-baxo wax-dheefka ay maankiisa u yeelan karto iyo murtida uu ugu irkan ee uu tusaalaha ka dhigan karo.
Axmed Faarax Cali Idaajaa waa qoraa ka mid ahaan jiray xubnaha Guddigii Afsoomaaliga iyo Akamdemiyadii Cilmiga & Fanka intii u dhexaysey 1973-1991. Wuxuu qoray, isla markaasna faafiyey buugag iyo maqaalado cilmibaaris ku salaysan oo, hilaadda, ilaa dhawr-iyo-soddon ah.
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post