eeg waxa ku dhacay gabar aroosad ahayd habeenkii aqalgalkeeda

Gabar waa soo Gaaray Waqtigii Arooskeeda, waxayna Guda Gashay inay soo Xirato Taaj Qurux badan, laakin uu Jirkeedu aad u Muuqdo, iyo Timaheeda oo ay soo Baneysay, iyo Waxyaabo badan oo aan Diinta waafaqsaneyn ayey soo Xiratay iyo Waxyaabo badan oo Xaaraan ka ah Gabadha Muslimadaa, Haddaba waxaa u yimid Dumar Wadaado ah, waxeyna ku yiraahdeen Walaal waxan aad xiran tahay waa Xaaraan Noloshada Qeyb ka mida ayaad Bilaabaysaa, markaa wax uusan Allaah Raali aan ka ahayn Haku Bilaabin.
Kolkaas ayey ugu jawaabtay:- Waa Habeenka Keliya ee aan Aduunka ku Leeyahay, marka waa inaan si Wanaagsan u qaato Habeenkeyga oo aan Farxad ku qaato. ka dib waxey ku yiraahdeen Walaal Rabbi ugu Mahad naq, laakiin Haku Caasiyin iyagoo hadalkii sii wada ayay yiraahdeen walaal Bal ka Waran adoo Xaaladan ku jira, hadduu MalaKul Mowt kuu yimaado?, ka dib waxay ku Jawaabtay iyadoo Jees-jeeseysa:- waxaan leeyahay Stop (intay Gacanta Fidisay), iyadoon Weli Gacantii soo Laabin, Hadalkiina ay weli Dhameyn ayey Joogga ka Dhacday, Gacanteedana iyadoo Fidsan ayey Qalashay, Cusbitaal kastoo la geeyeyna Daawo waa looga waayey.


.Wabillaahi Towfiiq.
(ALLOOW NIMCADAADA KUWII KU SHUKRIYEY NAGA YEEL).
W.Q:- Macoow Ustaad
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post