heshiis dhexmaray turkiga iyo soomaaliya in xarun militari casriyaysan loo dhiso soomaaliya

Wasaarada Gaashaahiga ee Dowladda Turkiga, ayaa maanta qalinka ku xariiqday in ay qaab casri ah u dhisi doonto Xeryaha Ciidanka Xoogga Dalka.
Saraakiil ka tirsan Wasandarada Gaashaandhiga ee Turkiga, ayaa maanta Magaalada Muqdisho waxay kulan kula qaateen Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Daahir Aadan Cilmi “Indha-qarshe” iyo Abaan Duulaha Ciidanka General C/risaaq Khaliif Cilmi.
Labada dhinac, ayaa waxay wada saxiixeen heshiis dhigaaya in Turkiga uu dib u dhis ku sameeyo Xeryaha Ciidanka Dowladda, una dhiso qaab casri ah.
Xeryahanaan, ayaa waxaa tababaro loogu furi doonaa Saraakiisha iyo Ciidanka Qalabka Sida ee Somaliya, iyadoo sidoo kalana uu Turkigu qayb ka noqon doono, tababarada Ciidanka Somaliya lagu siinaayo dalka.
Intii uu shirka u soconaayay labada dhinac, ayaa waxaa lagu soo bandhigay nashqada uu Turkigu u sameynaayo Xeryaha Ciidanka Militariga ee Soomaaliya.
General Daahir Aadan Cilmi, ayaa ku waramaaya in ay tani dan weyn ugu jirto dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isla-markaana uu uga mahadcelinaayo Dowladda Turkiga.
Taliska Militariga, ayaa Madaxda Dowladda kala hadli doono meelaha ugu haboon, ee xilligaan lagu dhaqaaqi karo in dib u dhiska lagu sameeyo Xeryaha Ciidanka, ee ku yaala.
Turkigu, waa isha kaliya ee sida lixaadka leh u taageeraaya Dowladda Federalka ee Somaliya, iyadoo ay dadka Somaliyeed la dhacsan yihiin taageerada Turkigu uu siinaayo Soomaaliya.


daawo sawirada 















Post a Comment (0)
Previous Post Next Post