xayawaan mas oo kale ah oo laga helay duurka amazon oo u eg bahalka ninka


 Layaabka aduunka,  xayawaankaan oo lagu magacaabo Atretochoana ayee culimada ku takhasusay xaywaanaadka ka heleen meel webiga jiinkiisa ah, xayaawaan ayaa laga helay gobolka Amazon ee dalka Brazil, xayawaankaan ayaa u qaab eg sida xubinta taranka ragga.

Culimada ayaa sheegay in ay xayawaankaan ku arkeen hereeraha webiga lagu magacaabo Madeira Rondonia, Brazil, dhirirka xayawaankaan la helay ayaa gaaraya hal mitir, culimada ayaa sheegay laga soo bilaabo November 2011 ay arkeen xayawaankaan laakiinsa ay garan waayeen dhicna ay ku tirin lahaayeen

Xayawaankaan ayaa u qaab eg maska marna shaabaha xubinta taranka bini aadamka, culimada qaar ayaa sheegay in xayawaankaan uu soo shaac baxay sanadkii 1968 laakiin lagu tirin jiray in uu kamid yahay masaska, balse baaritaan ay sameeyeen


biologists ayaa sheegay in uu ka duwanyahay masaska, xayawaanka ayaa ka neefsada dusha sare ee xuubka maqaarka, sidoo kale xayawaankaan ayaa quuta kaluunka aadka u yaryar.
Amazona ayaa ah meel inta badan ay ku badanyihiin xayaawanada taas oo markasta laga soo saaro xayawaano aan hore loo arkin ama ku cusub indhaha dadka.


















Post a Comment (0)
Previous Post Next Post