Booqashadii Nabi Ibraahiim ee Wiilkiisii Ismaaciil Nabadgelyo korkooda ha ahaatee

Nebi Ibraahiim CS ayaa soo Booqday Wiilkiisii Ismaaciil, markuu u yimid Xaaskii Ismaaciil ayuu ku yiri:- Xaalkiina iiga waran. waxa ay ku tiri:- Xaaladeenu way Liidataa, Ismaaciilna wuxuu ku Maqan yahay Ugaarsi. waxa uu ku yiri:- marka uu yimaado waxaad ku tiraahdaa iska Bedel Kaabiyadaada, Kolkaas ayey ku tiri: waa yahay anaa u sheegaayo. Haddaba markii Ismaaciil yimid ayey u sheegtay oo ku tiri:- waxaa ii yimid Nin weyn oo Ciro leh waxa uu igu yiri:- Ismaaciil waxaad ku tiraahdaa marka uu yimaado Kaabiyadaada iska Bedel, markaa ayuu ku yiri:- waxa uu ahaa Aabahay waxa uu i Farayaa inaan ku Furo ee Oradoo iska Tag, waan ku Furay.
Haddaba, sabata uu u yiri Fur waxey ahayd wey u Cabatay, muddo ka dib ayuu Nabi Ibraahiim CS, gurigii Wiilkiisa Ismaaciil isagoo Guursaday Gabar kale, sidii oo kale ayuu u soo Booqday markii uu u yimid ayuu ku yiri:- iiga Waran Xaaladiina markaas ayay ku tiri:- Alaxdulillaah waan Fiicanahay, markaas ayuu ku yiri:- Ismaaciil hadduu yimaado waxaad ku Tiraahdaa Kaabiyaada Adkeyso (oo Macnaheedu yahay ha Furin).

Nebigeena CSW, wuxuu yiri:- Ninka Hela Gabar Saalixad ah, wuu helay Nimcadii Aduunka.

Wabillaahi Towfiiq.
(ALLOOW KHEERKA NA WAAFAJI, YAA RABBI).
W.Q:- Macoow Ustaad.
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post