dadkii dilay nafisa cismaan salaad oo gacanta lagu soo dhigay

Dadka la soo qabtay waxaa lagu kala magacaabaa Xasan Maxamed Cabdi (Salmaan) iyo Shaafici Cabdi Xersi, haweeneyda la soo qabtayna waxaa lagu magacaabaa Deeqo Diraac.

Labadaan nin, ayaa waxay ka mid yihiin 4 nin oo habeen madow gurigooda kala baxay Nafisa Cismaan Salaad oo dhowaan ka baxday Jaamacad ku taalo Magaalada Muqdsiho, 5-tii bishaana lagu qaarajiyay agagaaraha Iskuula SYL ee Degmada Heliwaa.

Raggaan waxaa kaloo lala soo qabtay haweeney degeneyd xaafada SOS ee Degmada Heliwaa, taasoo bistooladaha dadka lagu dilo u hayn jirtay Ciidamada Amniyaadka ee Al Shabaab, waxaana lagu magacaabaa Deeqo Diraac.


Post a Comment (0)
Previous Post Next Post