Maxaa loo dilay Nafisa Cismaan Salaad

Nafiso Cusmaan Salaad
Dilka Muqdisho caadi iska ah ayaa afar nin oo bistoolado ku hubeysneyd, afkana soo duubtay, ayaa waxay xalay xoog ku galeen guri ku yaala xaafadda Coca Cola oo ku dhow Labaajada Mahad Alla ee Degmada Yaaqshiid, iyagoona ka watay Nafisa Cismaan Salaad.

Raggaan, ayaa waxay gabadha ula dhaqaaqeen meel ku dhow Iskuulka SYL ee Degmada Heliwaa, halkaasoo daqiiqado kadib la sheegay in si arxandaro ah ay ugu toogteen.

Raggaan oo loo fishay in ay ka tirsan yihiin Ururka mayalka adag ee Al Shabaab, ayaa waxay dilka kadib ay iyagoo kalsooni qaba isaga taggeen goobtii ay ku dileen marxuumada.

Aabe Cismaan Salaad iyo qaar kaloo dadka deegaanka ka mid ah, ayaa marxuumada meydkeeda ka soo qaaday goobtii lagu dilay, iyadoo la sheegay in xaalad koomo ah uu aabahaasi galay.

Sidoo kale hooyada dhashay Nafisa, ayaa la soo sheegayaa in ay sidoo kale ku jirto xaalad miir dabool ah, ka gadaal markii ay si xun uga naxday falka guracan, ee gabadheeda lagu dilay.

Si cad looma garanaayo waxa keenay dilka gabadha dhowaan ka qalin jebisay Jaamacada ku taala Magaalada Muqdisho, waxayna tani noqoneysaa mid si weyn looga hadalhaayo Caasimada.
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post