Gabadh yar oo 14jir ah oo habeen kasta Nabiga scw riyo ku aragta

QISO YAR OO CAJIIB AH.
Sheekh Maxamed Xassaan wuxuu yiri: waxaa leey keenay Gabadh yar oo 14jir ah, waxayNA igu tiri:- Habeen kasta waxaan ku Riyoodaa Nabi Muxamed CSW, ka dib waxaan ka Wareystay Sifaadka Rasuulka CSW, uu lahaa, Walaahi Dhammaan wey ii Sifaysay, waliba iyada oon Hal Sifo ka Tegin, Subhanalah ka dib waxaan ku iri:- Gabar yahay yari maxaad Sameysaa?, waxay igu tiri: Shanta Salaadood ayaan Xifdiyaa, Waqtigoodana ilaaliyaa, markaas ayaan ku iri:- Maxaa intaas ku Dheer?, waxay igu tiri: Maalin kasta Rasuulka CSW, ayaan ku Salliyaa 10,000 jeer. Subhanalaah, waliba sida Rasuulka CSW sheegay Shaydaanku iskuma Ekaysiin karo Rasuulka CSW, Qofkii ku Riyooday Rasuulka CSW, wuu ku Riyooday.
Wabillaahi Towfiiq.
(ALLOOW NAGA YEEL KUWII RASUULKA U SHAFEECA).
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post