Qajaarka wejiga buu qurxiyaa sidaa ma u ogtahay

Qajaarka wejiga buu qurxiyaa sidaa ma u ogtahay 
Waxaa laga helayaa qudrada waxyaabo badan si kale loo adeegsan karo, la soco, qajaarku wuxuu ka koobanyahay fitaamino badan oo aad ugu fiican maqaarka, wuxuu qabto waxaa ka mid ah inuu ka hortago coorcoorka (Rynker) iyo inuu bi'iyo meelaha cuncunku ku dhaco, maqaarkana wuxuu siiyaa dhalaal, nadaafad iyo qurux. Si uu u helo jirkaagu fitamiinadaas waxaad samayn kartaa sidan:

    Qajaarka wareeg u jarjaro oo wajiga saaro, ilaa uu qoyaanku ka dhamaado qajaarka.
    Qajaarka diir, kadibna shiid oo wajiga saaro kadibna 20 daqiiq kadib iska dhaq. Hadii meel ku cuncunayso oo aad xoqado waxaad marsataa qajaarka shiidan kadib ka dhaq 20 daqiiqo kadib, insha Allaah natiijo waad heli.
    Qajaarka caano yar waad kula shiidi kartaa, sababtoo ah caanhu waxay ka hortagaan coorcoorka (Rynker) kadib wajiga saaro sidii maske ahaan, kadib iska dhaq 20 daqiiqo kadib.

Waxaa muhiim ah inaad u dhaqdid sifiican wajiga kadibna aad isticmaashid qajaarka.

khadija home
   
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post