sida lagu dejin karo naagaha lala guursado naag kale

Talooyinkan maqal horta ninow maxaa kugu kallifaya inaad adoo marwo wanaagsan qaba mid kale u guursato? Way jiraan duruufo ama duruuf mar marka qaar kugu kallifaysa inaad xaas 2aad guursato, laakiin waxaa jira waxyaalo badan oo wax laga qaban karo. Horta ma u sheegtey inaad la guursaneyso.
Maya, inteenna badan waan qarsannaa. Laakiin waxaa fiican inaad u sheegto, si haddii sababta kugu kallifeysa ay dhankeeda tahay ayna wax ka qaban karto aad u siiso fursad ay wax kaga qaban karto.
Haddiise aya tahay duruuf aysan waxba ka qaban karin, sida dhalmo la’aan, jirro wakhti dheer ah IWM, isku day inaad ku qanciso oo iyadoo raalli ka ah aad la guursato, inkastoo ay adag tahay iney raalli marna ka ahaato, laakiin iskudey samee. Haddiibase ay dhacdo inaad la guursato horey ugu sii sheeg ama ha u sheegine, ogow iney maseyreyso kuna tala gal isbeddel weyn oo reerka ku dhaca.
Waa run masayrku waa jirro dawadiisuna waa Alla ka cabsi iyo samir badan. Sidaas darteed waxaan kula talinayaa raggu markay xaaska la guursadaan oo ay maseyrto iney la yimaadaan samir badan. Waa inaad fahamtaa in dhibka aad adigu keentey illeen adaa la guursadey gabadhan maseyrsane.
Ha u arkin iney iyadu khaldan ee ogow khaladka inaad adigu leedahay.
Waxaad kalood ogaataa in gabadhani la maseyreyso jacayl ay adiga kuu qabto, waayo, haddeysan ku jeclayn dan kaama gasheen haddaad 3 kale xataa la guursato.
Marka waa qof ku jecel oo aad kuu rabta, rabtana siday kuu jeceshahay inaad u jeclaato keligeed oo aanay gabadh kale jaceylkaaga la qaybsan. Ogow qoftani ineysan caadi ahayn oo isbeddel weyn ku dhacay.
Intaas haddaad fahamto waxaa lagaa rabaa inaad ku dadaasho sidaad ku dejin lahayd adoon la buuqin, lana dagaalin. Waxay u baahan tahay inaad wakhti badan siiso. Waa inaad ka ilaalisaa oo aadan marna ka hadlin xaaskaaga cusub.
Haba soo hadal qaadin. U samee wax alla waxay kaa dalbato intaad awoodo, aan ka ahayn furriin. Ogow hubkeeda ugu weyn waa ama aniga ama iyada.
Taas marna ha yeelin. Marna ha kula buuqin carruurta hortooda, hanaba la buuqin, Waayo xal ma aha buuqu. Waxaad isku deydaa inaad la kaashato haddey jirto qof dumar ah oo ay saaxiib yihiin, laakiin ah qof diinta ku fiican, aadna ogtahay iney sida wanaagsan wax ugu sheegeyso.
Haddaba waxaan ku soo gabagabeynayaa:
1- Xaaskaaga haddey tahay qof gudaneysa waajibkeeda hooyonimo iyo naagnimo ha la guursan haddeysan jirin duruuf kale oo qasab kaaga dhigeysa inaad la guursato, ee sii dhiirrageli si ay u sii fiicnaato. Yuusan ku hoggaaminin damacaaga iyo jaabkaagu.
2- Waa inaad la timaadaa samir iyo dulqaad badan. Marna xalku ma aha dagaal iyo buuq.
3- Ha ka dhigin xal inaad furto marnaba. Ogow qofka wax furaya waxna xidhaya waa adiga, waana awood Ilaahay ku siiyey maadaama aad nin rag ah tahay. Marka awoodaas ha ku ciyaarin.
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post