Naag internet nin ku mehersatay kuna furay qiso yaab badan

Qisadan waa qiso aad u saamayn badan, waxaan ku dhashay magaaladda Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, balse waxaan kusoo barbaaray    magaaladda Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasi ayaana waxaa kusoo qaatay waxbarashadeeda   Hoose, Dhexe iyo Sare.

 Sanadkii 1997-kii ayaa waxaa nasiib u yeeshay inaan aado dalka Canada, halkaasoo aan iminka ku    noolahay, Azad waxaan isku baranay Shabakadda MSN-ka, anagoo wada socono muddo dhan laba sano ah ayaa waxaa ku heshiinay inaan is guursano, waxaan baray Aabahey oo markaasi noollaa, inkastoo uu dhawaan geeriyooday.
Azad markaan ismahersaneynay wuxuu ku noolaa dalka Suuriya, anagoo is arag ayaa waxaa ku heshiinay inaan ismahersano, waxaana dhihi karaa Azad waxaa weeye nin nolosheeda ku reebay taariikh aan ilaawsho laheyn.
Azad inta aan isguursan kahor horey ayaa waxaa isku soo guursanay nin aanu qaraabo nahay, waxaana isku dhalnay seddex caruur ah, muddo kadib calafkii ayaa dhamaaday sidaasi ayaanu ku kala tagnay ninkii hore.
Aniga iyo Azad waxaa inoo bilaabatay nolol aanu labadeenuba ku qanacsanahay, waxayna nolosheenu ay ku ekeed Internet iyo Teleefan, balse waxaan qorsheeyay inaan Azad ugu tago dalka Suuriya, hase ahaatee taasi ayaa ii socon weyday, maxaa yeelay ninkii aan horey isku qabi jirnay ayaa garan waayay meel aan uga fakado.
Markasta wuxuu igu soo diri jiray caruurta, isagoo uga sheekeen jiray inaan ahay hooyo xun, isla-markaana ceyrisay Aabahood, si walba oo uu ninkaasi ii daba taagnaa, ayaa waxaan isku dayay inaan dhawr jeer ku dacweeyo ciidamadda ammaanka ee dalka Canada, hase ahaatee taasi ayaa waxaan u arkay inay tahay arin foolxumo badan.
Waxaan Azad uga sheekeen jiray hadal kasta ama wax kasta oo uu sameeyo ninkii horey ii qabi jiray, hase yeeshee Azad oo nin fiican ahaa ayaa wuxuu i dhihi jiray iskaga dul qaado, wuxuu doono ha-sameeyee.
Iyadoo ay xaaladdu sidaasi tahay ayaa wuxuu ninkii hore ee i qabi jiray uu Ceerigaabo ugu tagay qoyska aan ka dhashay iyo wiilal ila dhashay oo aan aad u jeclahay, deetana habeen iyo maalin waa uu ku dul ooyi jiray, wuxuuna dhihi jiray walaashiin aad baan u jeclahay, basle iyadaa i naceb, wax kasta waan u sameyn karaa, wax kasta waan u huri karaa, laakiin iima jeedo ayuu ku ooyi jiray.
Walaalahey iyo adeeradey ayaa waxay igula taliyeen inaan iska soo furo Azad, bacdamaa aanu weli wax caruur ah isku dhalin, waxay kaloo ay igula taliyeen inaan ka fikiro ama aan ka naxo caruurteeda.
Azad ayaa soo wacay si’ xun ayaa ugu qeyliyay waxaana ku dhahay, adiga ilama joogtid waxna iima qaban kartid ee walaale iskakey fur, boqolaal jeer oo horena sidaasi oo kale waan u dhahay, laakiin wuxuu ahaa nin wanaagsan oo waa uu i sasabi jiray.
Laakiin maalintaan markaan soo wacay oo aan si’ xun ugu qeyliyay kuna dhahay iskakey fur, ayaa wuxuu igu dhahay “Hadaad go’aansatay inaan iskakaa furo oo aadan iga xishooneen inaan ninkaaga ahay, orod oo guurso ninka kale ee aad ku qanacsan tahay” markii uu intaasi igu dhahay ayuu teleefankii igu damiyay.
Maalintaas wixii ka dambeysay wuxuu iska badalay teleefankii aan ku aqaanay, Emailkii aanu ku wada xiriiri jirnay, waxaan galay nolol mugdi badan, muddo hal sano ah maanan maqal war iyo wacaal ku saabsan toona, markii dambe anna waan iska fasaqay waxaana dib ugu soo laabtay ninkii hore ee i qabi jiray.
Hada waxaan ahay marwo xaas ah, waxaanu hada ninkaani isqabnaa muddo hal sano iyo bar ah, laba sano iyo bar-na meel aan ku sheego Azad magaranaayo, habeen iyo maalinse waxaan isku sifeeyaa inaan ahay naag dembi culus gashay,
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post