Sida loo guursado gabdhaha hindi

Sida ay isu guursadaan hindidu waa si yaab leh oo guurka ka dhexeeya dadka wadankan u dhashay ayaa ah mid dhaqankiisu uu aad uga duwan yahay marka loo eego dunida inteeda badan, Guurkan dhaqankiisa ayaa ah mid ay ka siman yihiin dadka Hindida ah oo dhan Diin kasta ha haystaane, dhaqankan oo ah in Gabdhaha ay lacag bixiyaan iyagoo siinaya ninka ay guursanayaan, lacagtan ayaa loo yaqaanaa “Dowry” (ama meher gabadha la guursanayo ay bixiso). 

Lacagtan ayaa waxay ku xiran tahay tiradeeda hadba labada is guursanaya dhaqaalohoodu inta uu la eg yahay  iyo gaar ahaan ninka gabadha guursanaya qoyskiisu heerka noloshoodu ay tahay, hadii ay yihiin qoys noloshoodu iska meel dhexaad tahay ayaa sida badan gabdhaha waxa ay bixiyaan lacag ku dhow ilaa $5000 marka laga saaro alaabaha guriga sida TV, Qaboojiye, AC iyo dhammaan waxyaabaha ugu muhiimsan ee aasaaska u ah nolosha  guriga taas oo looga baahan yahay gabadha inay soo sharraxdo guriga, Ninka ayaa imanaya isagoon waxba wadan guriga lakin Masaruufka qoyska uu waajib saaran yahay dushiisa.

Hadaba dhibaatooyin badan ayaa halkaa ka dhaca oo gabdhaha qaarkood iyagoo lacagta wada bixiyay ayay hadana waydiiyaan lacag dheeraad ah, Qaarkoodna waxaa dhacda inaysan u suurtoobin inay soo dhamaystiraan lacagta Ninka uu ka doonayo halkaas oo lagu ballamo in gabadha ay lacagta dib ka bixiso ama ehelkeedu ay ka bixiyaan xilligii lagu ballamay.

Inta badanna arrintaa ayaa suurtoobi waysa oo halkaa waxaa ka dhasha is khilaaf iyo Bur-bur qoys ilaa mararka qaar ay ka dhacdo waxyeelo inay isu gaystaan labada is qabta gaar ahaan gabadha ayaa dhibaatooyin aad u xun kala kulanta tusaale ahaan hadaan  u soo qaadano labadan dhacdo oo ka mid ah dhacdooyin maalmeedka ka dhaca dalkan.

Shanti iyo Guurkeedii

Shanti ayaa waxay guursatay Raghu sannadkii 1987 iyadoo Shanti siisay ninkeeda lacag gaaraysa $500 oo xiligaas ahayd lacag aad u qiimo badan, lacagtaas oo ahayd lacagtii uu ku guursaday ninkeeda,iyadoo Shanti u haysa 2 carruur ah ayaa ninkeeda Raghu iyo waalidkiiba bilaabeen inay waydiiyaan Shanti lacag dheeraad ah oo ahayd lacagtii uu ku guursaday balse Shanti arrintaas dhib ayay ku noqotay oo waalidkeed ayaa ah kuwo aad awoodin lacagtaa inay bixiyaan, lakin intaa loogama harin Shanti ee waxay bilaaben inay    Jirdil iyo caga juglayn ku hayaan maalin kasta ninkeeda iyo walidkiiba.

Dhibaatooyin ayay kala kulantay arrintaa dhibaatadaasna waxaa u adkaysan waayay waalidkeed oo arrinta ogaaday in gabadhiisa laga doonayo Lacag dheeraad ah, Aabeheed ayaa lacag soo amaahday si uu uga bixiyo gabadhiisa lacagta ay waydiisteen oo halkaa ayuu lacagtii ku bixiyay.

Arrintu halkaa kuma soo af jarmine Lacagtii uu odayga bixiyay ayaa ay reerkii aad u saluugeen oo weli gabadhii kama aysan joojinin Jirdilkii iyo Aflagaadadii oo sideedii aan waxba iska bedelin.
Shanti ayaa waxa uu ninkeeda ku amray inay lacagta ka soo qaado reerkeeda ama ay isaga tagto guriga, Ugu dambayntii waxay go’aansatay inay iska aado Gurigii Aabeheed iyadoo labadeedii cunugna hore u soo wadatay, waxay so gaartay gurigii Aabeheed halkaa oo ay ku noolayd ilaa mudo Sannad  ah.

Halkaa markii ay joogtay mudadaas ayuu ninkeedii ugu yimid oo uu  ka codsaday waalidkeed inay iska iloobaan wixii hore oo uu hada diyaar u yahay inuu dhaqdo xaaskiisa oo uu jecel yahay, Waalidkeed ayaa ka aqbalay arrintaa oo ogolaaday inay Shanti iska raacdo ninkeeda oo gurigeedi dib ugu noqotay.

Laakin gurigii Ninkeda markii ay dib ugu soo laabatay ayuu Jirdilkii iyo Aflagadadiisii halkii ka sii watay oo reerkiisiina sidoo kale  Afxumeyn iyo lacag waydiintoodii halka ka sii wateen.

Tii ugu darnayd ayaa waxay ahayd Subax iyadoo huruda ayuu Ninkeedii soo qaatay Asidh oo wejiga uga shubay  halkaasoo ay ka soo gaartay dhibaato aad u xun oo ay ku wayday araggeedii, maqalkeedii iyo weliba cuntadii oo dhib ku noqotay cunitankeedi ka dib markii xitaa afkeedii kala furitaankiisa uu dhib ku noqday.

Surekha iyo Guurkeedii

Surekha Nitin oo 25 jir ah Guursatayna sannadkii 2001-dii Nitin oo ah nin ka ganacsada dharka iyadoo u dhashay wiil 2 sano jir ah, Surekha ayaa waxay sheegtay in iyada iyo ninkeeda ay mar kasta dhex mari jirtay muran ku saabsan lacag dheeraad ah oo uu waydiisan jiray isagoo ka dalbanayay inay reerkeda ka soo qaado lacagtaas, Sidoo kale walidkiis ayaa si joogto ah iyagana u waydiin jiray lacagtaas. 

Galab ayuu mar keliya kula soo booday inay reerkeeda aado oo ay lacagta ka doonto, Muran dhex maray ka dib ayuu wiilkii ka dafay dabadeedna iska dhaqaajiyay,in cabaar ah mar uu sii maqanaa ninkeeda  iyadoo Jikada  dhex fadhida oo iska fikiraysa ayaa ninkeeda eedadii oo layiraahdo Kanchan ay caag uu batrool ka buuxo ku faaruqisay dusheeda ka dibna wiil ay dhashay uu isla markiba tarraq ku qabtay iyadii oo holac cirka isku shareeray, isla markiiba dariskii ayaa soo kala yaacay ka dib markii ay maqleen qayladeeda oo dabkiina ka damiyay isbitaalna ula cararay.

Surekha lacagta laga rabay ee dabka loo qabadsiiyay awgeed ayaa waxay dhamayd ilaa 600$ taas oo uu ninkeeda iyo ehelkiisaba sheeganayeen inay tahay mid ay ku lahaayeen xiligii guurkeeda lacag ku dhimanaydna ay ahayd oo aysan bixin.

Somalitalk
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post