Haddaba Inta naanan u guda gelin Fikradaha Ardayda ayaan rabaa inaan wax yar idinka xusuusiyo dhibaatooyinka loo gaysanaya ilmaha caloosha ku jira gaar ahaan hadii ilmaha la ogaado inuu yahay Dhedig, taas oo ka dhacda wadankan (Hindiya) maalin walba soo tuurida ilmaha caloosha ku jira (Girl abortion) taas oo ay badanaa sameeyaan qoysaska dhaqaalohoodu hooseeyo iyagoo sabab uga dhigaya inaysan awood u lahayn gabadhooda marka ay waynaato inay u guuriyaan, Waxayna ku tilmaamaan arrintaan inay tahay sida adigoo Lacag ku kaydinaya dariskaaga Baankiisa.
Waxaana dhacday in mar la xayaysiinayay qalabka lagu ogaado ilmaha uurka ku jira (Ultrasound) ayaa waxaa xayaysiintaa ku daabacnaa. “Maanta Bixi 500 si aad Berrito u badbaadiso 5000”. (500 now, save 5,000 later). taas oo loola jeedo maanta in uu bixiyo qofka lacag yar si uu u ogaado ilmaha uurka ku jira waxa uu yahay si berrito uu u badbaadiyo lacag badan oo uu ku bixin lahaa gabadha Guurkeeda, balse xayaysiintaan ayaa markiiba laga dacwooday oo isla markiiba la baabi’iyay.
Ardayda fikradooda ayaa muhiim ah maadaama ay wadankii joogaan xog-ogaalna ay u yihiin arrimaha iyo dhaqanka dadka ay wax ka baranayaan lana baranayaan, hadaba si aan arrintaa si faah-faahsan uga ogaanno ayaa waxaan wax ka waydiiyay qaar ka mid ah Ardayda waxa ay ka qabaan guurka hablahan iyo qaab dhaqankoodaba.
Ugu horrayntii Axmed Maxamed Amiin (Jaanduug) ayaa wuxuu aad u taageersan yahay Guursiga gabdhahan kuna tilmaamay inuu yahay Guur aad u wanaagsan lehna Mustaqbal wanaagsan iyo Nolol raaxo leh, Ali Axmed Cali oo ka mid ah Ardayda waaya arraga ah uguna da’da wayn ayaa wuxuu aaminsan yahay in uu aad u taageerayo guurka gabdhahan isagoo sabab uga dhigay inay aad ugu fiican yihiin xaga Ixtiraamka iyo ka dambaynta raggooda.
Maxamuud Ducale Waliye(Suubane) ayaa isagana aaminsan fikrad taa ka duwan oo isagana aan marnaba rajo ka qabin guurka gabdhahan sheegayna in haweenkan aysan ku fiicnayn xaga tarbiyaynta caruurta maadaama aysan Diinti si fiican u aqoon sidoo kalena ay yihiin kuwo aan ku wanaagsanayn xaga nidaaminta iyo nadaafada gurigaba waxaa kale oo uu raaciyay in ay haweenkan yihiin kuwo aad ugu jilicsan ragga.
Cabdi Xabiib(B.Com) oo isagana ah Arday Ganacsiga barta ayaa wuxuu aad ula dhacsan yahay gabdhahan qaabka ay ula dhaqmaan ragooda isagoo ku tilmaamay inay hablahan yihiin kuwo jecel ragooda jacayl dhab ah, wuxuuna sheegay inuu aad u jecel yahay guurka gabdhahan maadaama uu arkay waxyaabo badan uu aad ula yaabay taas oo uu ku tilmaamay Ixtiraam, Jacayl iyo Karaamayn joogto ah oo ay u hayaan raggooda yihiinna Raaliyooyin.
Mukhtaar Ibrahim Isaaq (Ganacsade) ayaa wuxuu sheegay isagana in uu ka soo hor jeedo guurkooda maadaama aan ku kala duwannahay xaga dhaqanka Afka iyo Cuntadaba waa dhib ayuu yiri sidii la isu fahmi lahaa, sidaa daraadeed ayuu yiri hableheena Somalida ah ayaa waxay yihiin kuwo aad uga qiimo badan.
Sidoo kale Siciid Cabdulqaadir ayaa wuxuu aad uga soo hor jeedaa guurkan (gabdhaha Hindida) oo uu ku tilmaamay inuu yahay mid dhibaatadiisa leh oo labo qof oo aan isku Af iyo Dhaqan ahayn sidaa daraadeedna uu arkay rag badan oo dhibaato kala kulmay is faham darri awgeed, isagoo sii raaciyay(Wax aad taqaan Guurso wax aad taqaano hakuu Dhalaane).
Sidoo kale Cabdi Qorane Adam ayaa isagana qaba Fikrad taa la mid ah isagoo sheegay inay jiraan sababo badan oo uu ku dhaliilayo guurkan kuwaas oo ah, (1)- In labo qof oo aan horay wax aqoon ah isu lahayn ama aan wada sheekaysan ay dhacdo in wax aan dhamayn hal maalin guri la isugu geeyo, halkaana ay ka dhalato is faham la’aan.(2)- Ayadoo ay jirto kala duwanaansho dhaqameed.(3)- Dhibaato ka timaada xaga luuqada.
Hadaba isku soo wada duuboo waxay u muuqataa in Ardayda Somaliyeed ay badanaa ka soo hor jeedaan guurka Hindiyada iyadoo uruurinta fikradohooda markaan xisaabiyay ay noqotay in ku dhowaad 60% ay ka soo hor jeedaan guurkan.
Ka dib markii Somali badan oo adduunka dacaladiisa ku kala nool ay akhristeen maqaalkan ayaa ila soo xiriiray kuwaas oo isugu jira Rag iyo Dumar, iyaga oo qaba fikrado kala duwan oo ku saabsan Guurkan sidaa daraadeed ayaa waxaan rabaa maqaalka xiga inaan ku soo qaato fikradaha ay qabaan akhrisatayaasha, Gaar ahaan gabdhaha Somaliyeed maadaama ay raggii eedaynayaan gabdhaha kuna sheegeen inay dhaqankii ka tageen markii ay dibadaha tageen. Hadaba gabdhuhu iyagana maxay ka yiraahdeen arrintan?..
SomaliTalk.com
gabar hindi u dhalatay |