Soomaalida dibadaha ku nool sidey u arkaan gabdhaha hindida Inida vs Somali


Haddabada saan u soo faahfaahinay guurka hindida iyo dhaqankooda Maqaalkeenii taxanaha ahaa ee xiisaha lahaa qaybtiisa Afaraad ee ugu dambaysa ayaan waxaan ku soo qaadanaynaa fikradaha Somaalida ku nool dibadaha ee samaha iyo horumarka qoyska Somaliyeed jecel  talooyinkooda iyo tusaalooyinkooda ku saabsan eedaymahan ay raggan  u soo jeediyeen hablaha Somaliyeed.
gabar India u dhalatay
Dhinaca kale farriimo badan ayaa i soo gaaray kuwaas oo qaarkood iga soo codsaday inaan u soo gudbiyo warbixin faah-faahsan oo ka hadlaysa waxbarashada Hindiya sida ay tahay iyo macluumaad dheeraad ah, Arrintaasna waxaan rajaynayaa inaan ku soo qaadan doonno maqaalada xiga hadii Eebaha awooda leh ogolaado.
Anigoo soo koobay fikradaha akhristayaashana aan idiin soo gudbiyo. 

Fikradda Kowaad:
Nasteexo Colugale Seeraar. (Holland) 
Ugu horrayntii  dadku isku fikrad mahaan  balse aniga waxaan qabaa raga walaalahayga Somaaliyeed ama wiilaasha  somalida ah ee Ajnabiga guursanaya   wax uga wanaagsan ineeysan jirin gabdhahooda waayo gabar aad isku Dhaqan, Diin, Dal iyo Af tihiin oo aad is fahmaysan  wax ka wanaagsan ma jiro hadii aad is qabtaan maxaa yeelay waxaad ledihiin ehel labadiinba kii qaldana waa la qaban karaa in kasta oo aan anigu qabo(Labada Qof oo is qaba Colna mahan Nabadna mahan) balse waxaa lagu xalin karaa wax walba waa Maskax iyo  is fahan midba midka kale inuu si dagan wax ugu sheego oo kii qaldana u ka soo noqodo.
Waxaa aad u xun in labada is qabta ay sirtooda banaanka uga baxdo dhexdooda ineey ka xalistan weeye wax kasta,
gabar hindi ah
xaga raga hadii aan eego iyo qurbaha dhib weyn baa kala haysta taas oo iyagu isku keeneen, Taasu waxay tahay noloshoodi waxaa ay ku soo koobeen  balwad qaab daran  ma shaqaysto yaal bay noqodeen aan dantoodii garanayn, ilmo   kama war hayo oo habeenkiina waa Jaad u fadhi maalintiina waa hurdaa  goorma ayuu Ilmihiisa, Xaaskiisa iyo Dadkiisa waqti siinayaa marka  ninka noocaas ah gabadhiisu waxaay ku dadaalaysaa sidii ay u korin lahayd ilmaha asagiina ay u hayn lahayd  marka taas waa naagta wanaagsan.
Waxaa kale oo jira Nin  fiicaan  oo helay naag aan fiicnayn oo dhib badan oo aan asaga xaq dhawrayn  isagiina dhinac walba oo nin laga rabay waa ku wanaagsan yahay hadii ay tahay Dhaqan, Is jacayl iyo ka haqab tirka qoyskiisa wax kasta oo ay u baahan yihiin balse iyadii baa ah qof dhib badan oo aan ninkeedi garab taagnayn.
Sidoo kale  waxaa jira Reer is qaba oo is xaq dhawra is caawiya kala dambeeya  wada tashanaya  marka reerkaas ayaa ka  bixi kara dhibka qurbaha, Waxaa kale oo jira gabdho iyo wiilal qurbaha ku xumaaday marka dadkii fiicnaa waxaa qariyay kuwa xun. 
Anigu waxaan is leeyahay  Gabdhaha  Somaaliyeed hadii ay haystaan wiilal wanaagsan  ma u maleeynayo inay aadayaan Niman ajaanib ah wiilashuna hadii ay Gabar wanaagsan helayaan ma aadeen Naago ajaanib ah.
Waxaan  idiinkula dar-daarmayaa walaalahaygoow gabdhaha somaaliyeed Dumar ka wanaagsan ma jiraan ee wanaajiya oo tii xumata xitaa u dul qaata oo waaniya waxa  wanaaga u soo hoyn kara waa adiinka oo tusa wanaagga  isku day inaad u soo jeediso xaga diinta iyo dhaqankeena Islaamka  ha fiirin xumaantii oo kaliya ka ducayso oo adiga Guurso intii ay  meel xun iyo balaayo kale  sii gali lahayd  ha uga tagin  waxay sameeysay ee ka ilaali gurigiina ku dhaqaa diinta saxda ah dhaqanka wanaagsan  edebta kala danbeynta  iyo is xaq dhowrka.
Gabdhaha ayaan la dardaarmayaa walaalayaal wiilasha Somaalida waa  dad wanaagsan niman ka fiicanna ma jiraan ee   wanaajiya oo dhaqaaleeya  u dul qaata  kii xumaada ku dadaala sidii aad wanaaga u tusi lahaydeen guursadana  wiilaashiina somaaliyeed ee ka fogaada ajaanibta  ku dhaqma diinta dhaqankiina ha ka tagina.

 Fikradda Labaad:
Laki Ali (UK) 
Runtii anigu waan ka soo hor jeedaa guurka shisheeyaha ciduu doonaba ha ahaadee, waa mid oo waa kala duwanaansho dhaqan iyo mid diineed (xitaa muslimada ayaan si loo wada haysan oo aan oganahay) waa mida kale oo ah is fahanka oo ah waxa ugu weyn ee reerku ku degen yahay oo aan ahayn wax aad u fudud. 
Runtii waxaa dhibaato ah in aad noloshaada aad ku aaminto qof aan kula wadan ahayn, waxaan arkay in raga badan oo aad waraysatay ay ku ammaaneen adeecid, war adeecidu sow ma aha in ay xad leedahay, ninkani hadduu waxa bi' inayo oo aanayba oranayn war sidaa ka daa oo ay u aamusto sow hadhow shalayn maayo hadaan xumaantii laga qaban. 
Waxaan u aamisanahay  ninkan Somaaliyeed ee ku faanaya naagtaan guursaday waa i maqashaa, waa mid Jaad uun u fadhiya oo ayan oranayn war sida isu dhaan(waa sidaan u qaataye), Bal ragga Somaliyeed in ay naftooda uun ka fekeraan waxaad ka arkaysaa rabitaankooda uun bay qiimaynayaan oo xitaa ayan u fekerayn war ubadkaagu muxuu berri ku danbeyn, Naagtan hadayba taadii timaado  oo aad ka horeyso maxay u faa' iidayn carruurta. Waynu ognahay xiligan lagu jiro in ragga soomaaliyeed in ilaahay u naxariistay mooyaane in ayna waxa allaale waxay ku toosayaan uusan jirin. Markaa waxaan runtii xasuustay halku dhiga Somaliyeed oo oranayay(Wiilkaagu maalin buu hiil kaga baahan yahay, waana marka aad hooyadii guursanayso). 

Fikradda Sadexaad:
Nihaam  (Vancuover,  Canada) 
Waxaa wax lahubo ah inaan hadaan nahay Soomaali aan nahay ummad Islaama 100% hadana in  badan oo anaga naga mid ah ay 90% aaminsan yihiin in ummada dibadaha jirta oo dhan ay gabdhahooda waa isku mid, Hadaan ka soo qaado nafsadayda  aniga gabar Somaliyed ayaan ahay waxba kama sheegi karo gabdhahan laakiin waxaa wax lawada ogyahay ah in gabdhaha somaliyeed ay qurbaha isku badaleen oo ay ragooda gumaystaan iyo waliba inay aad dhaqan ahaan u badalmeen laakiin kuligood  ma wada xuma waxay leeyihiin kuwo asturan oo ilaahay yaqaan nimankoodana adeecsan, Sidoo kale  waxaa jooga gabdho wax barta oo jaamacado  iyo Quraanba dhigta.
Dhinaca kale ragga Somaliyeed waa dhaliil badan yihiin laakiin kuli waxaa qariyay xumaanta Dumarka oo soo badatay maalmahan waayo walaal waxaad arkaysaa rag qayilaya oo aan shaqaysanayn oo ilmo dhalaya sannad walba waxa uu ku xisaabtamayo oo keliyana ay tahay  lacagta qaadka, Mustaqbal kale iskaba daa warkiisa, laakiin waxaa kasoo hormatay gabdhaha Soomaliyeed ceebtooda oo noqotay mid maalin walba soo kordhaysa oo ay noqdeen hiyi raac kuna dayanayana Gaalada.

Fikradda Afaraad:
Filsan Ciise 
Ragga Somaaliyeed inay eedeeyaan Dumarka maaha waayo  iyagaaba eedaysanayaal ah  oo gabay   gurigoodii  iyo carrurtoodiiba, Masuuliyadii laga rabay ragga somaliyed may u qaadin sidii la  rabay  ama  sidii ku haboonayd, Ninka Somaaliga ah waxaaa  moodaa in la yiri adiga carruurta  wax shuqul ah kuma lihid, Waxaad arkaysaa dumarka Somaalida inay meel ay joogaanba noqdeen Hooyo iyo Aabe  labadii boosna  iyagu  inay buuxiyeen  hadii ilmo xanuunsado waxa wada waa Hooyo, Hadii ilmo Iskuul la soo qorayo ama la gaynayo ama la yiraahdaba keena waalidkiin waxa  wada waa Hooyo. 
Markaa ragga somaliyeed masuuliyadoodii haka soo baxeen intay leeyihiin dumarkii markay dibada yimaadeen  waa is  bedeleen, Haduu ninku reerkiisa si fiican u dhaqdo masuuliyadii ilaahay saarayna  sida waajibka ku ah  uga soo baxo waxay ila tahay inay hawenkuna dhinacooda ka  wanagsanaanayaan. 
Waan ka xumahay dumarka Somaliyeed  runtii waxaa haysta dhibaato aad u weyn waxaysan awoodin ayaa dusha laga saaray taasoo ah masuuliyad  aysan qaadi karin looguna tala galin, Rag iyo Dumar  labadaba   markii qurbo la tagay  waa la is wada bedelay ee maaha Dumarka kaliya waxa  is bedelay. 
Dumarka Soomaalida  waxyaalo badan oo ay uga fiican yihiin dumarka kale waa jiraan  iyo waxyaalo ay ku xun  yihiin, Waana Dumar  karti leh  dumarka Soomaalida, Waxaad arkaysaa   haweenka Somalida   iyadoo haysata 5 carruur ah oo ninkii   ama ka dhintay ama waa furay ayaa iyadaa intay  u guntato ilmaha dhibkasta oo ka soo gaaraba intasoo  ilmood Waxbareysa, Tarbiyaynaysa oo hadana Aabe  iyo Hooyo u noqonysa.
Malaga  helayaa  Dumarada   aduunka qaar    sidaas oo kale  taasna waa karti  ay dheer  yihiin
Gabagabadii, Ninkii doonaya Hindi  iyo kii doonaya Caraba  dumarka Soomaliyeed baa xumaaday yuusan  ka dhigan marmarsiiyo ee waxyaalo kale baan u raacay  ha iska yiraahdo, Ogaadana  ragga Soomaliyeedow Wiil Hindi kuu dhashay  iyo Wiil gabar Soomaliyeed kuu dhashay inay marna isku mid noqonayn,
Dumarka  Soomaaliyeed idinkuna  noqda Dumar sidii lagu yiqiin sidii  Ayeeyayaashiin, Meel walbo oo aad  joogtaanna haka tegina dhaqankeenii wanaagsanaa iyo Diinteena macaan.

Fikradda Shanaad:
Nuura Geelle 
Walaal waxaan qabaa Dumarka Soomalida iney yihiin Dumar wanaagsan oo samir badan, Laakiin waa nasiib darro iyadoo aaney u ogeyn raggooda qaarkood.
Tusaale ahaan waxaa dhacda Gabadh Soomaaliyeed in raggoodu ka maqnaadaan dhawr sano oo ay sidaana  raalli uga tahay, Yurub waxa laga yabaa inuu ninkii shaqo tago soo noqdo iyadoo hawshii guriga oo dhan qabatey kadib ninkii uu qadeeyo yara seexdo kadibna soo tooso dabadeedna uu aado maqaaxi hadhow xili dambe uu yimaado iskana seexdo arroortiina uu ka kallaho, Gabadhana ay  sidaa ku dhasho ilaa afar carruur ah,  yaa u ehel ah afarta darbi ayey eegaysaa markey dhameysato hawsha ilmaheeda, cidi uma joogto caawi kale ma hesho ehel ma leh oo qurbe ayey joogtaa, Gabadha markay ummusho waxa laga yabaa habeenkii inay Cunug u kacdo ilaa 3 jeer kadib ay ku soo kacaan kuwii kale halkii hawshii ka wado oo ninkiina aanu caawinayn,  hurdo la,aanta ay ku keent istarays. 
Waxaan qabaa boqolkiiba wax yar laga helayo dumarka soomaalid gabdho ku xumaaday  ninkooda, Waxaa kale oo aan  qabaa haddey gabadha Soomaliyeed ay ilmo qudha u inkeeda ay u samirto ninkeeda.

Fikradda Lixaad:
Saynab (Minnesota, USA) 
Waxaan oran lahaa anigu marka hore Gabadha qura yaan  eeda la saarin raguba waa ku jiraan, Hadii aan ka bixiyo wax yar tusaale ragga Soomaliyeed  mararka qaarkood waxaad arkeysaa nin guriiisa kabaxay  oo an war u heyn Ilmaha iyo Xaaskaba haduu doono waxa uu soo laabanayaa marka waagu beryo, Marka  Dumarku xaq ayay u leeyihiin inay ka caroodan hadii ninkii uusan shaqo jirin waxna ugu maqneyn marka ina ragow Dumarka  ka daaya dhaliisha  waayo idinkuba waxaad wadiin waa wareer.

Fikradda Todobaad: 
Cali Faarax 
Waxaan qabaa anigu in ragga iyo dhallinta soomaaliyeed ay ku saxan yihiin inay  u tallaabaan guurka ummadaha  kale oo ayan isku dhaqan iyo isku af ahayn taasna waxaa la orankaraa 90% waxaa iska leh eedeeda Dumarka Soomaaliyeed oo iyagu noqday sanadahan danbe kuwo aad iyo aad looga naxo Fawaaxishta iyo Fasahaadka aan ka xishoodka lahayn iyo iyagoo iska dhex dabaashay  dhaqamo kale iyo rag badan oo Ajnabi kale ah, Iyagoo raggii Soomaaliyeedna ka dal doorsaday dhaqankii iyo diintiina ku xadgudbay si aan xishood lahayn.

Fikradda Sideedaad:
Abdishakur Ali Nor 
Marka kowaad waxaan aad uga xumahay Ragga gabdhaha Ajaanibta ah ka helay in ay canbaarayn u soo jeediyaan gabdhaha soomaaliyeed ee xushmada inaga mudan iyaga oo raggaasi marmarsiinyo uga dhiganayaa dariiqa cusub oo ay qaadeen,Marka labaad waxaa u baahan in la ogaado qof kasta xumaan iyo samaan wuxuu ka bartaa marka hore labada waalid oo dhalay iyo walaalihiis iyo bulshada uu ku soo dhex barbaaro.
Waa in aan marka hore ogaanaa haddii sida raggaasi qabaan oo ah in Gabdhaha Soomaaliyeed yihiin kuwo qallafsan arrintaasi tahay mid aan innagu barnay ama ahow Waalid ama Walaal, Waxaa kale oo muhiim ah in aan ogaano bulsho kasta oo meel deggan waa isku dhaqan mana kala laha Rag iyo Dumar, sidaa daraadeed waa in raggu ogaadaa wixii dhaqan xumo ah oo gabdhaha soomaaliyeed wataan in wiilasha soomaaliyeedna sidaan mid kaas lamid ah,halkaa marka ay joogto ka soo qaad in gabadha Hindida ahi ka Ixtiraan badan tahay marka la fiirsho Bulshada Soomaalida anigu makala qaadayo Ragg iyo Dumar waayo waxaan niri bulshadii meel kuwada nooli waa isku dhaqan,Ixtiraamkeedu gabadhaa waxba matarayo waayo qofka ay la nooshahay oo ah Ninka Soomaaliga ah ayaa wata qallafsanaanta lagu sheegayo gabadha Soomaalida ah mid la mid ah.

Anigu marka waxaan qabaa haddiiba ay jidho qalafsanaantaa la sheegayo marka hore inaga ayaa barray oo waa dhaqankeenii marka haddii aan dibadaha u soo baxnay oo aan aragnay dhaqamo kuweena xoogaa ka latiifsan markaba maaha in aan kala wareegono ee waa in aan miisaannaa dadkan aan aragnay waa kuwee, adiguse kuma ayaad tahay, dhaqankoodu waa sidee, kaaguse sidee ahaa, muxuu kaaga fiicanyahay koodu, kaaga adiguse maxaad kaga fiicantahay, wakhti intee le'eg ayaad u baahantahay inta aad dhaqankan baranayso,

Gar ma tahay in wixii aad adigu macalinka ugu ahayd walaasha in aad ku dhaleecayso, Garmatahay adiga oo wata qalafsanaanta aad walaashaa kaga caradhay mid la mid ah in aad ula tagto gabar miskiin ah oo aan u dulqaadan karin waxa aad adiguba ka soo caradhay, ma hubtaa in gabadha Hindida ahi u sabri kadho dhaqanka aad sidato, mise ragga Soomaalida ayaa ka isbedelid dhow gabdhaha Soomaalida ah oo adigu markaba waxaad noqonaysaa sidii nin hindi ah.

Anigu waxaan qabaa waxaa la sheegayaa in ay tahay wax la buunbuuniyey waayo markasta dadka isku dhaqanka iyo isku afka ah xaga isfahamka cid iskaga roonaankadhaa majidho,Midda kale waxaa jidha haddii qurbaha loo soo baxay in qoysaskii soomaalida burbur badani ku dhacay waxaa marka jidha in raggu marka ay kulmaan gabdhaha eeda saaran iyaga oo waxyaabo badan daliishanaya, sidoo kale gabdhuhuna marka ay kulmaan eed midaa ka badan ayey ragga dusha uga duuraan, Marka arrintu waxay joogtaa is eedayn ee weli qolo gardarani ma cada waayo cid u garnaqday ma jidho, Waxaa kale oo aan aaminsanahay arrintani in ay tahay Soomaalida oo hadda la qabsanaysa la dhaqanka bulshooyinka kale ee yaan gabdhaha eed la saarin.
Waxaan kale oo aan qabaa in arrintanu tahay mid gabdhaha soomaaliyeed ku dhiirigelinaysa in ay iyana wixii ka soo horbaxa iska guursadaan, Waana dhaqan burbur hor leh,Ragguna iskuma helo in ay gabdhaha marna ku eedeeyaan guursi Ajnabi iyaguna isku darsadeen guursi Ajnabi iyo waliba ceebayn Gabdhaha Soomaaliyeed.

Fikradda Sagaalaad:
Ahmed Faroole (Somalia) 
Walaalayaal waxaan kuu soo koobayaa aragtidayda inaan horta fahamno guurku ujeedadiisa Ilaahiga ah taas oo ah in ilaahay cibaado ahaan loogu dhawaado nasligana lagu ilaaliyo laguna dareemo raaxo aduun iyo raali ahaansho Eebe, Hadii marka loo laabto guurka oo aragti kale oo sax ah lagu eego waxaa la dhahaa farxada Xaaskaaga waa inaad markii aad u soo socoto aad Farax la dadaashaa iyo inaad markaad  isha saarto dhabteeda ku seexato ka tagistaaduna waa inaay ahaato welwel iyo feker aad is weydiinaysid mar uun gurigaaga iyo Gacalisadaa ma ku soo laaban doontaa, Waa in aad xaaskaaga la joggidiisu uu kuu ahaadaa Mustaqbalkaaga meelaha ugu wanaagsan.
Markii la soo koobo walaalkayoow waa in aad  guurkaaga  ka heshaa nolol leh rayrayn hadii marka ay tahay in la goobo noloshaas ma qabo in lagu xiro dhalasho iyo wadan ee qofku meeshii uu ka heli karayo raaxada guurkiisa in lo daayo baan qabaa oo hadii gabdhahii Hindida ahaa ay heleen nasiibkaas Ilaahay siiyay in la xasdo ma aha ee halagu daydo.
Run ahaantii anigu Soomaaliya baan joogaa asal ahaan ayayba ceeb u arkaan Dumar badan in ninkooda ay baarri u noqdaan oo waa laysku caayaa dhulka qaar oo meelo fog fog bayba joogtaa arintaasi!.

SomaliTalk.com 
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post