Wiilka diyaaradda taayarkeeda ku dhuuntay oo la ogaaday inuu Soomaali yahay

La yaabka aduunka ayay ka mid tahay , wiil 16 sano jir ah oo nabad tegay kaddib markii uu hoos galay taayarka diyaarad hawada ku jirtay muddo 5 saacadood ah ayaa haatan la ogaaday inuu yahay Soomaali.

Wiilka ayaa la sheegay in uusan oagayn halka ay u socotay diyaaradda, oo isagu uu u haystay inay u socotay Soomaaliya.

Mas'uuliyiinta Maraykanka ayaa sheegay in wiilka uu doonayay inuu u tego hooyadii oo uu sheegay inay jirto Soomaaliya.

Dhowr maalmood ka hor, ayay diyaaradda ka soo baxday gobolka California, waxayna gaartay gobolka kale ee Maraykanka ee Hawaii.

Weriyaha BBC-da ee Minneapolis, Maxamad Xuseen Shiino, ayaa sheegay inay yaab noqotay in wiilkaas yar uu ka soo gudbay ammaanka adag ee gegida diyaaradda.
Si mucjiso ah ku badbaaday

Balse wararka ayaa sheegaya in wiilka yar uu cidda ka soo cararay, oo uu ka soo booday dayrka gegida diyaaradaha ee San Jose.

Afhayeen u hadlay shirkadda diyaaradaha ee Hawaii ayaa sheegay in shaqaalaha diyaaradda ay wiilka arkeen kaddib markii ay diyaaradda degtay.

Waxaa su'aalo weydiiyay laanta dambibaarista ee Maraykanka ee FBI oo baaritaan dhanka caafimaadka ah ku sameeyay.

Takhaatiirta ayaa sheegay in caafimaadka wiilkaas uu wanaagsan yahay.

Afhayeenka shirkadda diyaaradaha ee Hawaii ayaa sheegay "in muhimadda ugu weyn ay tahay caafimaadka wiilkaas, oo si mucjiso ah ku badbaaday."

Afhayeen u hadlay laanta dembibaarista ee Maraykanka Tom Simo ayaa sheegay in willka uu "nasiib badan yahay maadamma uu nool yahay".

Waxaa ka soo badbaaday jawiga aadka u qabow ee hawada sare, iyadoo diyaaraddu 12,000 mitir ay hawada u gashay.

Tan iyo sanadkii 1947-dii 100 ruux ayaa isku dayay inay taayarka diyaaradda hoosta ka galaan oo ay ku safraan, intooda badanna way dhinteen.

BBC Somali
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post