Wiilka Soomaaliga diyaaradda daba qabsaday ka arag halkan sawirada hooyaddiisa

Maanta sheekada caalamka qabsatay ayay ahayd wiil yar oo Soomaali ah oo inta dayuurad dabo-qabsaday dalka Maraykanka kadibna hawada ay kula jirtey muddo shan saacadood ah ayaa haatan noqdey moowduuc warbaahinta caalamka oo dhan ay hadal heyso, waxaana arrinka xiiso weyn usii yeeley kadib markii wiilka uu sheegey sababtii uu shaagga dayuuradda u qabsaday oo ahayn in uu u hiloobey hooyadiis oo ku nool xero qaxooti oo ku taala Ethiopia.
Wariyeyaal ka socda wakaaladaha wararka ayaa u safray xerada qaxootiga ee Sheed Dheer halkaasi oo ay kusoo sawireen hooyadda dhashay wiilka Yaxye Cabdi taasi oo lagu magacaabo Ubax Maxamed Cabdulle iyada oo horfadhida buulkeeda yar.
Yaxye Cabdi waxa uu sheegey in uu u xiisey hooyadiis, islamarkaasina isku dayayey in uu hooyadiis u tago kadib markii uu dhibaato kala kulmey aabihiis iyo islaanta uu aabihiis qabo oo sida muuqata aanan u rooneyn isaga.
Ubax Cabdi oo hadashay waxa ay sheegtey in ilmaheeda laga qarinayay muddo dheer, islamarkaasina loo sheegey wiilkeeda in hooyadiis ay dhimatay, balse markii uu maqlay in hooyadiis ay nooshahay, Soomaaliyana joogto uu isku dayay in uu soo aado, kaliyana uu ogaa in meesha ay joogto kaliya dayuurad lagu tagi karo.
Hooyo Ubax waxa ay hadda heysataa carruur ay ka midyihiin kuwa sawirka ka muuqda oo kala ah Cabdullaahi Yuusuf oo 8 jir ah, iyo Nashaad Yuusuf Axmed oo 5 jir ah, kuwaasi oo Yaxye uu jeclaan lahaa in uu arko, lana ciyaaro.
Todobaad kadib dhacdadii Yaxye waxaa hadda dareenka warbaahinta iyo dowladaha adduunka, gaar ahaan dowladda Maraykanka soo jiitey sida qoysaska Soomaaliyeed ay u kala ambadeen, islamarkaasina xaaladaha dagaalada ay u kala geeyeen dadkii is jeclaa.
Dalka Maraykanka waxaa ka jira barnaamij lagu magacaabo dib-u-mideynta qoysaska (Family Reunification) kaasi oo ogolaanaya in haddii xubin qoys ka tirsan uu Maraykanka ku noolyahay uu codsan karo in loosoo raro inta kale ee qoyska, sidaasi darteed waxaa haatan laga fikirayaa in la’isu keeno Yaxye iyo hooyadiis Ubax.
Sida uu sheegey sargaal u hadlay xerada qaxootiga ee Sheed Dheer, Ubax waxa ay ku baastay imtixaamkii koowaad ee hey’adda UNHCR ee barnaamijka dib u dejinta, haddii imtixaamka xiga ay ku baasto waxaa suurogal ah in Ubax ay wiilkeeda iyo 2 kale oo carruur oo ninkeeda uu ka qaatay ay ugu tagto Maraykanka.
Laakiin barnaamijka dib u mideynta qoysaska waa mid waqti dheer qaata, waa mid dhib baddan, waxaana suurogal ah in uu qaato muddo sanado ah ka hor inta Yaxye iyo hooyadiis aysan kulmin.
Arrinkase ugu muhiimsan ee qisadani ay ifineyso ayaa waxa ay tahay dhibaatada ay la kulmaan carruurta marka ay waalidkooda kala tagaan, gaar ahaan marka carruurta ay maraan dhanka aabaha, kaasi oo inta baddan noloshiisa ay kusoo biirto haweeneey kale.
Haweeneyda kale ee aabaha uu guursaday iyo carruurtiisa ayaa ah markiiba xiriirkooda uu xumaadaa, waxaanaba jira heeso laga qaaday sida heestii ereyadeeda ay ka mid ahaayeen “Eddaan la yaaboo arxankeey u daranaa, isha kugu gubtaayoo, afkeey kaala dirirtaa“.
Arrintani ayaa ah arrin dhaqan ahaan Soomaalida ku noqotey sidii cudurka Cansarka, iyada oo aanan goobaha wacyiga dadweynaha qaabilsan aanan looga hadlin sida masaajidada iyo warbaahinta.
Waxaa xitaa jirta sheeko caan ah oo carruuraha looga sheekeeyo taasi oo sheegeysa in wiil yar oo hooyadiis dhimatay oo indhaha la’aa, dugsi qur’aana dhiganayay uu la noolaa aabihiis iyo haweeneey kale oo uu guursaday , waxaana la sheegey in islaamtani ay wiilka ka qadin jirtey quudka oo dhan marka uu aabihiis maqanyahay, iyadoo ku dhihi jirtey “Marka uu todobka soo boxo ayaan caanaha ku siinayaa” isagoo maalinkii oo dhan dugsiga qur’aanka soo baranayay. Wiilkii ayaa la sheegey in uu ku calaacalay eedadiis isagoo yiri “Tabaarak loox beey ku taalaa, todob cirbuu ku yaalaa, eedadeey toos toosaneey bal toosoo caano isii“.
Ubax waxay leedahay “Waxaan jeclahay in ay ilmahayga buulkan igula noolaadaan halkii islaan eeddo ah ay kula noolaan lahaayeen Maraykanka“, waxayna hadlaysay iyadoo ilmaha ka qubanayaan.
Saraakiisha dowladda Ethiopia ee xerada mas’uulka ka ah ayaa sheegey in ay kaalmo u fidiyeen hooyadan oo qudaar ku iibisa suuqa xerada, islamarkaasina ku nool nolol aad u adag. Marka aysan suuqa jirin, waxa ay iska xaaqataa daaradeeda, ilmaheedana gacanteeda ayay ku quudisaa.
Waxa arrinkani Yaxye Cabdi uu muujinayaa in waalidiinta ay aad oga taxadaraan halka carruurtooda ay ku qaadanayaan kooriimadooda, islamarkaasina carruurtooda siiyaan difaaca iyo daryeelka ay u baahanyihiin inta ay yaryihiin si marka ay weeynaadaan ay u noqdaan ilmo anfaca qoyskooda iyo qarankoodaba.




Post a Comment (0)
Previous Post Next Post