Xijaabka timo ma daadiyo ee timaha waxay ku daataan nafaqo daro

Run ahaantii waxaan akhriyey dharkhtaro ka hadlay arintan iyo kuwa ku takhsusay timaha quruxdooda oo muslimiin ah, waxay yiraahdeen in arinta timuhu ay udaadanayaani in xijaabku usabab uyahay ayna waxba ka jirin, waxay yiraahdeen xijaabku wuxuu ilaaliyaa timaha, oo wuxuu ka ilaaliyaa hawada xun iwm.
Gaaladu waxay dhahaan in timuhu ogsoojiin haduu ayna helin inayna nafaqo helin, laakiin baaritaan cusub oo la sameeyay ayaa lagu cadeeyey in timaha haduusan helin ogsoojiin in aysan dhibayn nafaqadiisa iyo koritaankiisa, oo gabadha xijaaban aysan timeheeda wax gaaraynin oo ayna daadanayna.
Xijaabka maaha dhibtu, ee waa habka aad uladhaqantid timahaaga, ama xaaladaada caafimaad ayey ku xirantahay, ama xag jirkaaga caafimaadkiisa ama nafsiyadaada, kuwaas ayaa ukeenaya in ay timahaagu daataan, kori waayaan, ama ay nafaqo uheli waayaan.
Gabadha xijaaban waxay leedahay wax ugaar ah oo ay ufiirsanayso si timaheedu ay u ilaaliso waxaa ka mid ah:
  • Waa inaad shanleeysaa timahaaga intaadan xijaaban, sababtoo ah uma fiicna timahaaga.
  • Markaad xiraysid ha adkeen xiritaankooda, sababtoo ah umafiicna gunta timaha in la giijiyo, waxaana aad loolaga qaadi karaa madax xanuun. Si dabacsan uxir timahaaga.
  • Hadii ay kugu dhadco toxob ( QISHRA) waa inaad iska dawaysaa isla markiiba, sababtoo ah waxay uyihiin timaha cadawga ugu wayn.
  • Inaad isticmaashid fiitaaminada timaha loogu talagalay, siiba fitamiinka  Zink.
  • Bil kasta waa inaad iska jarta in yar oo caarada timaha, si ay u adkaadaan timahaagu.
  • Waa inaad duugtaa timahaaga, tobanka farood intaad galisid ku warwareeji, sababtoo ah wuxuu caawiyaa dhiiga inuu si fiican umaro madaxa.
  • In aad marsatid wiigii mar, waxyaabaha timaha lagu nafaqeeyo, wuxuu noqon karaa furud ama wax kale oo lagu radiyo timaha oo nafaqeeya.
  • Intaad ka fogaan kartid walwalka iyo neerfiska ka fogoow.
  • Kareemka iyo shaampoga aan ku anfacayn iska ilaali, oo ogoow nooca anfaca timahaaga, waayo wax kasta kuma anfacayo oo qof walbaa wuu ka duwanyahay timaha ka kale.
  • Maalin kasta mar ushanlee sida hoose, intaad foorarsatid oo aad shalaysid, kadibna sida caadiga ah u shanlee.
Dhinaca waxa la cunayo!
  • Waa inaad cuntaa boratiinka oo ku jira: kaluunka, hilibka, ukunta & digaaga.
  • Furuudka freeshka ah cun maalin kasta.
  • Khudaarta cun maalin kasta.
  • In yar oo subaga waa inuu helaa jirkaagu.
  • Hadii timaahaagu iska subagaysanyihiin, oo nooca aan qalaylka ah ahayn, markaa iska yaree inaad cuntid subag.
  khadija home
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post