Muuska jirka gabdhaha ayuu qurxiyaa sidaa mala socotaa

Caadi ahaan soomaalideenu muuska waan jeclnahay oo badana maqadayno la`aantiisa, laakiin gabadha Soomaaliyeed miyey ogtahay in muuska u yaala ay isku qurxin karto.
Halayaabin sababta,waayo muusku wuxuu leeyahay faa`idooyin badan iyo fiitamiino caawinaysa maqaarkaaga, kana dhigaya naacim " liinsho " sidaasina waxay kugu cawinaysaa inaad quruxdaada ilaashatid.
Ma ogtahay in Ingiriiska shirkadahoodu ay ka sameeyaan muuska saabuun iyo shaamboo iyo kareemada timaha.
Hada waxaan ku sheegi doonaa sideed u isticmaali kartaa iyadoo dabiici ah muuska:
  • Waxaad jarjartaa muuska oo yaryaree, kadib wajiga saar in 20 daqiiqadood u dhow, sidaasu wajigaagu ku nuugayaa "dhuuqayaa" saliida iyo fiitamiinka ku jira muuska.
  • Muuska yaryaree kadib waxaad ku dartaa saliida lawska,kadib isku walaaq, kadibna timahaaga mari oo kudaa 15 daqiqadood. Markaad dhaqdid timahaaga oo aad dhawr jeer sidaas u isticmaashidna waxaad dareemi doontaa is badal wayn, timaaguna waykuu dhalaali doonaan wayna jilci doonaan.
  • Si gacmahaagu naacim " Jilayc "kuugu noqdaan, waxaad samaysaa muuska markaad jarjartid ayaad kula walaaqi badhar, kadib gacmaha ayaad marin sidii inaad fara xalanaysid oo kale, daqiiqado kadib markaad iska dhaqdid, waxaad dareemi doontaa siday gacmahaagu naacim unoqdeen.
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post