Sidee baan uga ilaalin karnaa jirkeena jactadka

Waxaa jira waxyaalo badan oo dabiici ah aan kaga  ilaalin karno jirkeena jactadka waxaa ka mid ah
Casiirka tufaaxa (Apple juice)
Tufaax ka samee casiir kaligii, kadibna wajiga marso wuxuu siiyaa wajiga nafaqo dabiici ah. Aroortii iyo habeenkii
Avocado
Avocado-da oo aad cunto waxaad ka helaysaa vitamin (A) wajiga oo aad saaro kadib markaad burburiso. Waxaad ka helaysaa faa’iido badan.
Baqduunis (Parsley)
4 xidhmo oo baqduunis ah waxaad ku dartaa 1litir oo biyo ah, kadibna meel haboon dhin qiyaastii 24saacadood. Markaa kadib jidhka marso 2jeer maalintii kadibna ka qubayso.
Saliid saytun iyo mishmish (Olive oil and apricot)
Saliida saytuunku waxay jidhka ka bi’isaa jacdadka, meelaha uu jacdadka ku yeeshay jidhakaagu habeen kasta mari saliidan.
Saliida mishmishku iyaduna aad ayey u fiican tahay. Habeenkasta wajigaaga mari kadib markaad wajiga soo nadiifisay.
Tamaandho xabuub
Tamaandho xabuubtu iyaduna waxay bi’isaa jacdadka jidhka, tamaandho kasamee casiir kadibna marso.
White mask
Isku dar Ukunta inteedacad iyo wax yar oo daqiiq ah, kadibna wajiga marso qiyaastii 20daqiiqo kadibna kaga maydh biyo kulul (diiran) kadibna biyo qabow.
Caano iyo Muus
Isku qas 1xabi oo muusa iyo 3malqacada cuntada oo caano ah, kadibna jidhka marso oo u daa jidhka qiyaastii rubuc saac, kadibna ku maydh biyo diiran.

khadija home
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post