Qofka cayilan waxa uu isku caatayn karo


Sida aan isla ognahay cayilka wuxuu leeyahay jirrooyin fara badan haddii aad u baahan tahay inaad is caatayso waxaad reaacdaa talooyinkan
  1. biyo cab
    dabcan waa hubaal inaad maalinkasta biyo cabto, biyaha aan halkan kaga hadlaynaa maaha biyaha laga helo sida shaaha, kafega, casiirka iwm. Biyaha aan ka hadlaynaa waa biyaha cad ee dabiiciga ah ee aan waxba lagu darin joogto ka dhigo inaad cabto  8-10 gala. Biyaha cadi waxay nadiifiyaan kalyaha, subagana jidhka way ka sifeeyaan.
    Hadii aad tijaabiso in mudo ah inaad cabto biyo cad cuntadaada ka hor 10-15daqiiqo, waxaad dareemaysaa farqi way markastood wax cunto, dhakhso ayaadan udhargi taasina waxay keentaa inaad yarayso abataydkaaga. Waxaana fiican inaad markasta biyo cabta inta u dhaxaysa wakhtiyada aad wax cunto.’
  2. 5 wakhti wax cun
     Ka bilow aroor kasta inaad quiaraacato, waxay kaa badbaadinaysaa inaad gaajooto wakhti aan haboonayn, kadibna aads cunto waxkasta oo kaasoo hor baxa. Umu baahnid inaad cunto 5cunto oo waa wayn, 3jeer cun cunto fiican oo ku dhargisa sida quraac,qado iyo casho. Labada kalena ka dhigo cunto khafiifa.
  3. Jimicsi (Motion)
    macquul maaha inaad dhahdo waan is dhuubayaa jimicsina samayn maayo. Jimicsigu waa shay aan laga maarmi karin ee ku dhaqaaq.
  4. Food pyramid
    isku day intaad awoodo inaad raacdo qaacidadan cuntada oo aad ka baran karto cuntada muhiimka ah ee jidhkaagu uu ubaahan yahay.
  5. Hurdo fiican
    seexo hurdo fiican oo kugu filan, hurdo la’aantu waxay keentaa gaajo jidhka iyo ruuxdana uma fiicna hurdada yari.
  6. 45 daqiiqo lugee maalin kasta
    Caado ka dhigo inaad maalinkasta lugayso 45daqiiqo, hadii aad caado ka dhigato socodkan waxaa hubaala inuu ku gaadhsiinayo natiijo wanaagsan, baadhitaano la sameeye waxay cadaynayaan in ay ka dhacaan ugu yaraan 10kg adoon ka fikirin cuntada aad cunto wax siyaado ahna aan samayn, kaliya socodkan caadayso.
  7. saxan ama weel leh midabka buluuga
    Waxaa baadhitaano lagu ogaaday in midabka buluugu uu yareeyo abataydka cuntada, way yar tahay inaad aragto meelaha wax laga cuno oo midabkan leh, hadab isku day inaad noloshaada kusoo kordhiso weel buluug ah si ay kaaga caawiyaan abataydka saa’idka ah.
  8. khudrad iyo faakiho
    hadii aad awoodo maalinkasta cun 5 ama 6 faakiho ah, cuntadadana yeyna ka maqnaan khudaarta cagaarani.
  9. Subaga & Baruurta
    Ka dheeroow intaad awoodo inaad cunto baruurta hilibka. Isku day inaad yarayso cuntada subagaleh markastood cunto soo iibsanayso eeg inta subag ku jirta, caanaha subaga laga miirayna cab.
  10. Si dagan oo aayar ah
    Isku day inaad sidagan oo aan dagdag ahayn aad u cunto cuntadaada markaad cuntaynayso, ku raaxayso oo dhadhami waxaad cunayso.
  11. Wakhti u dhaxaysii
    Isku day wakhti wanaagsan inaad u kala dhaxaysiiso cuntadaada, kaliya wax cun marka calooshaadu ay dalabto cunto adoo xasuusanaya in aadan markasta cunin cunto wayn. Tusaale 6dii saacadoodba mar cun cunto wanaagsan inta u dhaxaysana ka dhigo faakiho sida tufaax iwm, ha iloobina in cabitaanka biyuhu ay yareeyaan gaajada aan loo baahnayn.

            khadija home

                                     
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post