yarkii soomaaliga diyaarada daba qabsaday oo California loo soo celiyay

Cunuggii soo fuulay diyaaradda lugteeda lix saacadood wax ka badan California ilaa Hawai waxaa loo soo celiyay California , aabbihiisa looma oggolaanin inuu la kulmo, bisha markay ahayd 20 April, Abbehiisa oo lagu magacaabo Cabdullaahi Yuusuf Cabdi wuxuu sheegay markii cunuggiisa ka soo cararay kaddib inuusan la qabsan karin cunugga nolosha dalka maraykanka, diyaaradda uu lugaheeda dhexgalay waxay ahayd Boeing 767 waxay soo kacday 20 April, waxaa loo arkay badbaadada uu badbaaday inay arrin yaab leh tahay, cunugga wuxuu sheegay inuu rabay hooyadii afrika inuu ugu tago, hooyaddiisa lagu magacaaboi Ubax Maxamed Cabdullaahi waxay ka soo carartay soomaaliya waxay hadda ku nooshahay xero qoxooti ku taalla dalka Itoobiya, aabahana ilaa iyo hadda looma oggolaanin inuu la kulmo ama la hadlo cunuggiisa

Sawirka yarka
Hooyada oo oynaysa

guriga uu ku noolaa

Diyaaradda


Diyaaradda

Hooyada iyo carruurteeda kale

Post a Comment (0)
Previous Post Next Post