internetka guur dhab maka suuroobi karaa

Marka hore guur qof aadan kasenin sidee ayaan u hursan kartaa

Jawaab

guurka intarnetka waxaa laga wadaa qofka inuu marka hore barto ruuxa ay dhici karto inay is fahmi karaan, markaas  ay wada xiriiraan oo ay sheekaystaan si ay isu af gartaan, haddii lays fahmi waayana laka tago, dad badan ayaa run ahaantii iska guursaday internetka 

1 Comments

  1. Anonymous7/21/2014

    Asc
    Qaab kastoo la isku guursado ama toos ha la isku barto ama laba waalid isku darey ha ahaadaan ama 2 internet isku baratey muhimadu waa in guurka ka ka bacdi la is fahmo farxadna lagu wada noolaado. Dadbaa iyagoo muddo is yaqaanay oo jaceyl soo jilayey markay is guursadaan muddo yar ku kala taga. Qaarbaa iyagoon is aqoon si kadis ah isku guursada ama waalidku isku daraan haddana guurkoodu waaro. Si kastaba muhimaddu waa guurka ka bacdi. Internetku waa aalad sahasha in 2 qof oo kala fog amaba isku wadan ama isku magaalaba ku nool is bartaan. Barashadaas ayaa ama burburta ama waarta oo 2daas qof isku fahmaaan iskuna guursadaan. Internet la iska guursado micnuhu ma aha in internet la iska dhex guursado ee internetka waa la isku bartaa, barashadaas ka dibna 2da qof ayey ku xiran tahay meeshey isla gaaraan.

    Anigu waxaan ka bartay gabar internetka, waanan isfahamnay ka dibna waan guursadey anoon sawir ama camerada netka isku aragna maahee aan waji ka waji isu arag. Haddana 3 sano ayaan isqabnaa, waanan ku faraxsanahay kuna qanacsanahay guurkeeda. Marka yaanan loo qaadan in inta internet la iska barto la is guursado iney wax xun tahay. Internetku wuxuu sahlayaa keliya isbarashada hore, wixii intaas ka danbeeya 2da qof ayey ku xiran tahay iney isfahmaan ama isfahmi waayaan.

    ReplyDelete
Post a Comment
Previous Post Next Post