fadliga ay leeyihiin tobanka maalmooda ugu horreeya ee bisha dulxijja

Bisha Dul-xijja waxay ka mid tahay Bilaha Xormada leh , waxeyna la gaar tahay inay Xamabaarsan tahay Maalmo gaar ah iyo Camalo waa waaweyn. Bilshada bisha DulXijja
Waxaana uu Allaah Bishaan maalmaha ugu horeeya ku sheegay in ay aad u Fadli badan yihiin welibana waa uu ku dhaartay taasoo tuseysa Weynida Tobanka Habeen ee u horreaya Bishaas.
Allaah wuxuu ku dhaartay tobanka maalmood
wuxuuna yiri : {وَالفَجرِ وَلَيَالٍ عَشرٍ

 Ilaah baa ku dhaar tey maalmahaas oo yiri weynaaye:-{ waxaan ku dhaartey waabariga(dharaarta subax arooryaad) waxaan kaloo ku dhaartey habeenada tobanka ah..waxaan kaloo ku dhaartey shafciga (maalinta tobnaad -malinta gowraca)..waxaan ku dhaartey maalinta witriga(maalinta sagaalaad ee arafo)

eeg aayadda

 {والفجر وليال عشر والشفع والوتر}


ilaaheey maalmaihiisa waxaa ugu fadli badan maalmahaas tobonka ah ee ugu horeeya dil xajj bisha loo yaqaan…waana maalmaha eey ku kulmaan dhammaan cibaadada ilaaheey sida soomka ..salaadda …zakada ..iyo xajka..waxaana loo yaqaannaa maalamaha hooyada cibaadada.

Waa laba laab cibaadada maalmahaas..waxaa labadiyaa allaahu akbarta…subxaanalaah iyo alxamdudillaahiyeeysiga ..waana lasoomaa soomkana waxaa loo suneeyey dadka aan xijeyda aheyn…laakiin kuwa xajinaaya iyaga looma ogolaan.

waxaa musnadka imaam axmed ku xusan in ibn-cumar uu nabiga naxariis korkiisa ha ahaate uu kasoo wariyey ..in uu yiri:


( ما من أيام أعظم عند الله ولا أحب إليه العمل فيهن من هذه الأيام العشر فأكثروا فيهن من التهليل والتكبير والتحميد)


oo ah micnaha

{ ma jiro maalmo ilaahey xagiisa uu ugu jecelyahay ugana weyneesiin badan yahay camal la sameeyo maalamahan tobonka ah gudahood ee badiya allaahiyeeysiga iyo allaahu akbarta iyo al-xamduli laahiyeeysiga }

waxaa kaloo laga so wariyey ibn cabbaas in nabigu yiri calehi salaatu wassalaam :- { majirto maalmahan maalmo ka fadli badan camal ahaan ..markaasaa nabiga asxaabtii ku yiraahdeen nabi alloow xattaa jihaadka?!! markaasuu yiri nabigii :- xattaa jihaadka dar alle ; uun mooye ninkii inta naftiisa iyo maalkiisa ugu hibeeya jihaadkaas oo aan labadauba ku waaya oon waxba kala so noqon}


مَا مِنْ أيّامٍ الْعَمَلُ الصّالِحُ فيهَا أحَبُّ إلَى الله مِنْ هَذِهِ الأيّامِ يَعْني أيّامَ الْعَشْرِ قالُوا: يَا رَسُولَ الله وَلاَ الْجِهَادُ في سَبِيلِ الله؟ قالَ وَلاَ الْجِهَادُ في سَبِيلِ الله إلاّ رَجُلٌ خَرَجَ بِنَفْسِهِ وَمَالِهِ فَلَمْ يَرْجِعْ مِنْ ذَلِكَ بِشَيْءٍ”.

maalmahaas waxaa ka mid ah maalinta loo yaqaan yowm arafo waana maalinta ugu fadliga badan maalaha ilaaheey oo dhan sida ku xusan ibn xibbaan saxiixiisa uuna soo warinhayo ibn maajid in nabigu yiri caleyhi salaatu wasalaam:

{ أفضل الأيام يوم عرفة}.


oo ah micnaha

{ maalmaha[maalin ahaan] waxaa ugu fadli badan maalinta carafaat }.

maalintaas waa lasoomaa ..ducadana waa la aqbalaa ..malaa,ikta naxariista ayaa ilaaheey soo dajiyaa waana maalinta uu ugu caro badan yahay sheydaanka ..maalinta badar mooyee waxaa layiraahdaa labadaas maalinba sheydaanka waxaa uu ahaa qaracan ..isagoo eey ka muuqatto dulli nimo ..waayo waa labada maalin ee ilaaheey malaa,iktiisa uu soo dajiyo ..badarna jihaadkeey ka qeyb qaadan hayeen oo jibriil baa kala horin hayey sheydaanka maalintaas aad buu u naxey una caroodey ..waayo waa cadowga muslimka iyo islaamka…maalinta yowmul carafaatna saasaa malaa,iktiisa loo so dajiyaa ..laakiin marakani waa kuwa naxariista ..ilaahbaana ku amra in eey naxariis iyo danbidhaaf ilaah u baryaan adoomihiisa muteystey naxariista ee camalka suuban faley ..ee soomay..ee salaadey ..ee sadaqada la baxey ..ee qaarkood misana xajinayaan ….naxariistaa qof walba ilaah ma haleelsiiyo oo kaliya waxaa uu ilaah haleelsiiyaa adoomihiisa suuban ee camalka suuban fala markaas ee raacey nuurka nabiga ee weyneeyey nabigooda ..iyo shicaarkooda islaamka sanadkastaana saa u sooma maalintaas carafaat…kuwooda aan ilaah u kasin in ey xajiyaan…kana faa,iideeysta maalmahaas eey ku kulanto cibaadada ee loo yaqaan maalmaha hooyada cibaadada.

waa maalinta uu ilaah ugu xoreyn naarta badan yahay adoomahiisa…muteystey in naarta laga soo saaro.

waxaa laga wariyey caasho sida ku xusan saxiixul muslimka in nabiga calehi salaatu wassalam yiri :

 : مَا مِنْ يَوْمٍ أَكْثَرَ مِنْ أَنْ يُعْتِقَ اللهُ فِيهِ عَبْدًا مِنَ النَّارِ، مِنْ يَوْمِ عَرَفَةَ.



oo micnaha

{ ma jirto maalin uu ilaah uga naar xoreyn badan yahay adoomihiisa maalintaas -naarta , waa maalinta carafe
 Hadaba ruuxa muslimka ah waa inuu ka Faa’iideystaa maalmahaan
ugu horeeya Bisha Dul-Xijja oona uu sameeyaa acmaal wanaagsan gaar ahaan acmaasha fadliga badan sida :
1. salaadaha waajibka ah oo loo kalaho waqti hore laguna tukado jameecada iyo in la badsado salaadaha sunadaha ah .
2. in la soomo sagaalka maalmood qofkii awooda , Nabigeeni muxamed -naxaraiis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee-  wuxuu soomi jiray sagaalka maalmood ee duxijja iyo caashuuraa iyo saddax maalmood bil kasta .
3. Si gaar ah in loo soomo maalinta sagaalaad waayo Soomka Maalinta sagaalaad (carafo) aad ayuu u fadli badan yahay, waxaana lagu dhaafaa dunuubta Sanada la soo dhaafay iyo sanada soo socoto .
Nabiga Maxamed -naxaraiis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee- waxaa uu sheegay inaysan jiran Maalmo uu illaah (Caza Wa jalla) Camalka Suuban ka jecel yahay Tobankaan Maalin.
Waxaa Rasuulka Saxaabada weydiisay Xataa maka Fadli Badan yahay Jihaadka loo galo Illaah Dartiis.
wuxuu ku jawaabay Rasuulka -naxaraiis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee-: Xataa Jihaadka loo galo illaah Dartiis, marka laga reebo Ruux La baxay Naftiisa iyo Maalkiisa ee aan midna kala soo noqon.
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post