sidee baad uga ilaalin kartaa ilmahaaga dadka xun

Sida aan wada ognahay waxaa jira dad aan anshax lahayn iyo akhlaaq oo fara

xumeeya caruurta, marka haddaba halkaan waxaan kuu sheegaynaa qodobo aad

ku ilaalin karto ilmahaaga siiba dadka ku nool wadamada reer galbeedka

1- ku abaabi xishoodka iyo inuu dharkiisa ku siibin dadka agtooda, iyo

cawradu in ay xun tahay in la qaawiyo
2- bar ilmahaaga meelaha jirkiisa inay jiraan meelo khaas ah  oo aan la

qaawin karin dadna la tusin karin ama la taabsiin karin
3- ka ilaali inaad uga tagto ilmaahaga cunug ka weyn siiba meel aan lala

joogin, xitaa qaraabo ha ahaadaan
4- u sheeg cunugaaga qof kasta  dhabtiisa inaysan ahayn dhabta hooyadii

ama abbihii oo kale
5- bar cunnugaaga inaysan ka dhexeyanin isaga iyo dad kale waxyaalo gaar

ah ama sir ah
6- bar cunnugaaga qiimaha xishoodka uu leeyahay, xishoodku kuma koobna

gabdhaha, waayo nabiga naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee aad buu

u ammaanay xishoodka
7- gabdhahaada ku barbaari iyadoo yarba asturanaanta iyo edebta

Dr. Ismail Cabdil majiid
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post