Siyaasada jacaylka iyo quruxda dumarka

Jacaylka waa maxay waa su'aal isweydiin mudan, runtii marka ninka uu rabo inuu guursado wuxuu raadiyaa inta badan gabar cad oo joog iyo jamaal leh, laakin waxaa ugu muhimsan inuu raadiyo gabar degan diin iyo dabeecad leh, waayo marka aad heshid gabar qurux badan laakin aan lahayn dhaqan habboon mar kasta waad isku dhacaysaan oo had iyo jeerba waad murmaysaan balse iyadu waxay u aragtaa inaad nasiib ku heshay oo aadan iyada mudanin, waayo way kaa qurux badan tahay, sidaa awgeed kibir ayay kula dhaqmaysaa, marka goormaad ka heli doontaada raaxada aad ka rabtay, jawaabtu waa raaxo la'aan, jacaylku wuxuu ku dhisan yahay siyaaso ku tiirsan isfahan iyo nolol wadaag hufan, sidoo kale waxau ku faantaa inuu nin kasta iyada damco oo haddii ay kaa tagto inaysan dhul dhacaynin, waa laga yaabaa in la helo naag qurux badan haddana diin iyo dabeecad leh, ruuxii hela naag isku darsatay labadaas waa nin nasiib weyn leh
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post