Maahmaahyada jacaylka iyo caashaqa

Bulsho kasta dunida ku nool waxay leedahay maahmaahyo kala duwan oo tilmaamaya nolosha xaaladdeeda, dadka soomaaliyeed waxay leeyihiin maahmaahyo aad u qiima badan oo tilmaamaya noloshoo dhan, gaar ahaan nolosha qoyska iyo jacaylka iyo maahmaahyada la xiriira ragga iyo dumarka xagga isjacaylka

Maahmaahyda jacaylka oo tahan waa kuwan


1. Beer oo dhan tabcasho kuma wanagsana,dadka oo dhanna jaceyl.
2. Calafku waa sida mir geed saaran oo kale oo ma dooran karto halka ay dhulka kaga dhaceyso.
3. Faqriga marka uu albaabka ka soo galo jaceylkana daaqada ayuu ka baxaa.
4. Gacal isma cariiriyo.
5. Haween ilaahow yaaneyn na jeclaan nalagama karee,oo yaaney na nicin nalauma karee.
6. Hawo guur iyo hami jaceyl nabad baa leh.
7. In wax la jeclaado waa in nafta dhib lagaliyo.
8. In wax la jeclaado ayaa ka fudud in qof ku jacel la ogolado.
9. Indho is jacel isma eegi karaan.
10. Is arag aqoon kama horeyso,wax isa siina kalgaceyl kama horeeyo.
11. Jaalahaa kuma jabiyo.
12. Jaceyl aan dhun kasho laheyn wa sida shah aan sonkor laheyn.
13. Jaceyl aan hanti laheyn hawada ayuu guursadaa.
14. Jaceyl aan lagula wadin waqtigaaga yuu lumin.
15. Jaceyl maqeybsamo.
16. Jaceyl oraahmaahee waa ficil.
17. Jaceyl wiil lagu madhalo.
18. Jaceylka dhabta ah ma duugoobo mana daxaleysto.
19. Jaceylka waa sariirta un.
20. Jaceylka waa cudur qofka la jacelyahayna waa daawo.
21. Jaceyka waa hadba aragtida qofka.
22. Jaceylku waa in dho la’yahay.
23. Jaceylku waa naar.
24. Jaceylku waa sida mir geed saaran oo ma dooran karno qofka aan jeclaaneyno.
25. Jaceylku waa jin.
26. Hooyo la jacelyahay ilmaheeda lama tumo.
27. Maseyr badan jaceyl badan.
28. Mir qurxoon oo aan la goosaneyn waxa ay leedahaya cilad.
29. Ninka wax jacel waa in dho la’yahay nagta waxa jacelse hal il bey la’dahay.
30. Qalbigu labo ruux mawado qaado.
31. Qof aad nacebtahay qof aad jaceshahay ayuu ku dhaafiyaa.
32. Qufac iyo jaceyl ma qarsoomi karan.
33. Qofka aan jacelnahay waa naqaan balse qofka na jecel manaqaan.
34. Qofka la jacel yahay waa sax markasta.
35. Sirta farxada nolosha waa in waxa la jeclaado.
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post