Maahmaahyada Soomaaliyeed qaybta 15aad


Maahmaahyada Soomaaliyeed qaybta shan iyo tobnaad

851 waraabaa yidhi ulna layla gaadhi waa cayna wax igama tarto
852 Waraabe daalay, dirirtiisaa loo tagaa
853 waraabe dhankii loo eryaaba waw toos
854 Waraabe ulla lala gaadhi waa, orodna wax lagaga dhibi waa
855 waranka ninka kugu dhufta iyo ninka kugu dhaqdhaqaajia ninka kugu dhaqdhaqaajiya ayaa xun
856 Wax aad baratay waa baaskaa
857 Wax aqoon wax looma sheego
858 wax is waydiintu ma xumee wax is waydaarsigaa xun
859 Wax la dhalay iyo dhul baa loo marti yahay
860 Wax la qarashaa ama qudhme ama qubte
861 wax raagaa rag kuma sama
862 Wax rag kaa galay rako kaa gale
863 wax walba run moodaa rag ugu liita
864 waxa jira sadex abaar, abaar geel ,abaar dumar iyo abaar rag Abaar geel waa ilko laaan, abaar dumar waa ubad laaan, abaar ragna waa arin laaan
865 Waxaan calaf ahayna lama cuno, waxaan hed ahayna looma dhinto
866 Waxaan kashaada gelin, korkaaga yay dhaamin
867 Waxaanad filanany iyo fallaari waa kaa fajiciyaan
868 waxaanad heli karayn waxaanad u baahnayn baa laga dhigaa
869 waxay ili aragto ayaa ilko gooyaan
870 weel waliba wixii ku jiruu dhididaa
871 weylasha biree dibigu ha ku quustee
872 Wiil intuu ood ka booduu talo ka boodaa
873 wiilkii is waalaba wiil waabiyaa hela
874 wixii ay idho arkaan ayey ilko gooyaan
875 wixii faq lagu sheego fagaaray tagaan
876 Xabaallo waalid baa xoolo lagala baxaa
877 xadhko geel ma wada xidhaan
878 Xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan
879 Xalaafo waa Xoogii Xirsi Muude
880 Xarrago dumar xanuun ma leh
881 Xiiso iyo xoorba way gudhaan
882 Xog mooge xaajo waa dilaa
883 Xoolo lama cunee dadkoodaa la cunaa
884 Xoolo quudheed waa la qaataa, soor quudheedse lama qaato
885 Xoorkii laga dhamay xagaagii iyo xusuus baa geel lagu xer geeyaa
886 Xornimo adaa ku noole,iyadu kuguma noola
887   faan badan iyo faq badaniba ma wacna
888   xaasidaw xoogga beel
889 nin caadadii ka maydh iyo dundumo ciid ka maydh labadaba waa lagu daalaa 
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post