Maahmaahyada somaliyeed qaybta 14aad

 Maahmaahyada Soomaaliyeed qaybta afar iyo tobnaad

801 sixun wax u sheege saaxir ka daran
802 Sodcaal maa moodhar, sahayna waa lacag, saaxiibna waa kaba cad
803 soo bax baa la leeyahay sacabka leefaysaa
804 Soo joogso laga waayaa, soo jiifso laga helaa
805 soomaalidu been way sheegtaa beense ma maahmaahdo
806 Soomaalidu waxay casarkii kugu aragtay cishihii kugu caydaa
807 soomalidu waa indho ku garaadle
808 soor quudheed lama cuno xoolo quudheedse waa la qaataa
809 Soori waa in xil lagaga tago iyo in xarrago lagaga tago
810 Tabcadaa ma tuugoobo
811 Talo adigaa ku nool ee iyadu kuguma noola
812 Talo laba adin dhexdood bay ka dhalataa
813 Tol la'aani waa tows
814 Tol yarraaday, tafo naagood baa laga dayaa
815 Toladu waa mar aad gaadhi waydo iyo mar aad garan waydo
816 Tolkaa maw talisay, mase tuugtay
817 Tolkaaga iyo xaaskaaga midna looma xoog weynaado
818 Tuhun waa sed
819 Tuug la qabtay talo ma laha
820 Tuug tuug ma xado
821 Ul jiiftaa ma jabto
822 Umili ilawshiinyo dhaw
823 usha intay qoyan tahay ayaa la toosiyaa
824 ushaada nin aad ka qaadi kartaa loo dhiibtaa
825 Uur mudane iyo uur Berde, midna lama baadho
826 Waa baahan tahay bakhtiga looma cuno
827 waa lagu shareeraa waxay sheegtaba ha waydee
828 waalida ninkii soo baraa laga waraystaa
829 waan xoolo yarahayna deeq lagagama hadho waan dad yarahayna dagaal lagagama hadho
830 waano dhalan baa ka adag(ka roon)
831 Waari mayside war hakaa hadho
832 Waayeel ha soocine, wax aqoonta sooca
833 waayeel hadalkiisa kaftan buu ku dhamaystaa
834 waayeel hortiisaa caano loogu badhxaa
835 Wadaad waa nin
836 Wadaanta isha ka xumaataa, faylkay la tagtaa
837 Wadaantii geeleeda kaafida, baa mid kalena kaalmeysa
838 Wadar iyo waaxid yaa waalan
839 wadiiqada yari wadada wayn bay kugu ridaa
840 Wadiiqada yari waddiqada weyn bay kugu riddaa
841 wakhti kaa lumay muruguu reebaa
842 wakhti kaa tegay tiigsimaad maleh
843 Walaalkaa dhuux tagoogaa loogu soo subkadaa (dhaashadaa)
844 walaalkaa markhaatiga ku fur magtana la bixi
845 walaalo is necebi way xoola yareeyaan wayna xabaalo badiyaan
846 walaashaa iskuma hubtida seedigaa haysi seegina
847 wan wayn jeeroo la gawraco indhihiisu cirka ma arkaan
848 war jiraaba cakaaruu iman
849 war la'aani waa dhego laaan
850 war xumi dugsi ma fadhiisto
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post