Maahmaahyada soomaaliyeed qaybta 13aad


Maahmaahyada Soomaaliyeed qaybta seddex iyo tobnaad

751 ragu sadex waa iskaga mid Magaca, magta iyo maganta
752 ragu waxa uu ka sheekeeyaa biiisa dumarkuna badhaadha hooda
753 Reer ba'ow yaa ku leh!
754 Reer guura raac iyo carruurba loo kala sheekeeyaa, is mase arkaan
755 Reer, naagbaa kaa raacda
756 Reerka meelan loo husan looma haatiyo
757 ri waalan ridaada laguma xidhto
758 riyuhu lugtooday shalan ku doontaan
759 roob magaalo ku hooray ramaas soo bixin maayee laamiguu ku raftaan
760 run iyo ilkaba waa la cadeeyaa
761 Runi rag kama nixiso
762 ruux aan geeri iyo nolol midna ahayni/ ma dhiman mana noola
763 ruuxba dhiishuu ruxduu caanaheeda dhamaa
764 Saddex baa la yidhi: Lixdan jir lexojeclo ha la wadaagin; afartan jir ha la garramin; labaatan jirna ha la legdemin
765 Saddex baa rag u liita; Ma toshe, ma tashade iyo ma tashiishe
766 Saddex Ilaah waa karaa, mase suurowdo: Ilaahow guursan maayee wiil i sii; Ilaahow shaqaysan maayee xoolo i sii; iyo Ilaahow ku caabudi maayee jannada i gee
767 Saddex lama arag: Marti nin ka yar, muddo maalin ka yar, salaad ragcad ka yar,
768 Saddex lama raaco: Ma horreeye, ma hambeeye, iyo ma haasawshe(C)
769 Saddex looma adkeysto: Gaajo guri og, gardarro garab og,
770 Saddex markaan bartaan ka gaboobay: Dab ollolintiis, carruur aamusinteed, iyo awr carraabintiis
771 Saddex wer-werkay kugu kordhiyaan: Faraska xun, naagta xun, iyo hoyga xun; haddana saddexdaas baa kaa bi'iye
772 sadex col baa jira, col cad , col cas, col madaw, colka cad waa biyaha,colka casna waa dabka ,colka madawna waa dadka
773 sadex la lama dego, doqon fiiro taqaan,fulay daandaansi yaqaan iyo geesi damac yaqaan
774 sadexna la lama saaxiibo, nin aan rabi aqoon, nin aan rag aqoon iyo nin aan run aqoon
775 Safar waa si wada yeel
776 Sagaaro intay tub joogto bay tub kale dayataa
777 Sagaaro inteeda waa ku duq
778 Sagaaro laba cad oo la kal qaado ma leh
779 Sagaaro, mindhaa ima barato
780 Sahaydaa waa hor, socodkaana waa dib
781 sakaaro laba tun oo laka qalo ma leh
782 Salaadba waqtigeedaa la tukadaa
783 Samraa, sammo hela
784 sankaagoo qudhma lama gooyo
785 Seedi waa beer
786 Shan nin oo shidho qayb leh, hal shanshaa ka baxda, shan ninnaan shidho qayb lahayna, shan shanshaa ka baxda
787 Shan shidda ma macaysaa
788 shibiri maalibay dab qaaday buulkeedii baanay ku gubtay
789 Shiikh markiis yimaado, shariifku, shubaakaduu ka baxaa
790 shinbir duul duul badani af libaax bay gashaa
791 shinbirba shinbirkiisuu la duulaa
792 shinbiri laba geed ma wada gurato
793 Shir looma wada uunsiyo
794 Shir naagood oo shan dhaafay waa shar
795 Shisheeye sheela duxa ma leh
796 Shubaali waa biyo la bax
797 sidaan kuugu lisay iigumaad hanbayn
798 Sidee xeego lagu xagtaa ilkana u nabad galaan
799 sir ma qabe allaw sahana
800 sir naageed lama sal gaadho
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post