Maahmaahyada soomaaliyeed qaybta 12aad

 Maahmaahyada Soomaaliyeed qaybta labo iyo tobnaad


701 Ninkii dhagar qaba dhulkaa u dhaqdhaqaaqa
702 Ninkii dhimanayaa dheg baa dheer
703 Ninkii geed fuulay asigi lee kasoo degi
704 Ninkii seexdaa sixii dibi dhalay
705 Ninkii talin jiray hadduu tago, midaan talin jirin baa yimaada
706 Ninkii tiisa daryeelaa tu kale ku dara
707 Ninkii uurka dabana Illaah baa arka, ninkii isha dabana Aadmibaa arka
708 Ninna caadidii ma daayo, bahalna ceedhin ma daayo
709 Ood is qabsatay maroodina way qarisaa
710 Ood kaa dheeri kuma dhaxan tirto
711 Ood qaadis iyo jiidis waa isla guri geyn
712 Oodi siday u kala sarreeysaa loo kala guraa
713 Oodo dhacmeed siday u kala sareeyaan baa loo kala guraa
714 Qaadis iyo jiidis waa isla guryo geyn
715 Qalbigu laba ruux ma wada qaado
716 Qawl nin wayn ka dhacay waa qolof geed ka dhacday
717 Qaybshe qad ama qaaday
718 Qof aan waxa soo socda garan waxa joogana ma garto
719 qof caashaq hayaa wax ka calaancal badan(C)
720 qof nool oo ku hortaagan lagama quusto
721 qof walba qumanihiisaa qoorta ugu jira
722 Qof waliba intuu cunuu ciidamiyaa
723 qof waliba wuxuu dhigtuu dheeftaa
724 qofkii aragiisu ku deeqaa oontiisuna ku deeqdaa
725 qoryo adistooda isku duwis baa horreysa
726 qosol badani qoonsimaad noqoy
727 Qosol hiil leh
728 Qosol qoonsimaad noqay
729 Qufac iyo uur midna ma qarsoomo
730 qunyar socde qodaxi ma mudo
731 Quruxi waa ishaada, qiimana waa ayaankaaga
732 quud aan jirin qoryo u guro
733 Ra saddex ka oggow: Gacan gudhan, gar weecsan, iyo guddoon jilicsan
734 Raad arrooryo dib looma raaco
735 rag gar baa kala saarta dumarna jaan(c)
736 rag hunguri buu isku raacaa
737 Rag jidiin baa walaaleeya
738 Rag la'aan waxba kuma yeeshee Rag xumaa ku disha
739 rag qawl baa xidha dumarna meher
740 rag sadex lama raaco, ma fakere,ma faaidayste,ma foorarsade
741 rag waa arin keen iyo aqbalkeen
742 Rag waa raggii hore hadalna waa intuu yidhi
743 rag waa shaah dumarna waa sheeko
744 Rag walaalow wuxuu ku dhaamo la waa
745 rag waxa ugu faan badan mar dhoof iyo mar duul
746 rag waxa ugu liita ciil kama baxe iyo calooshiisa la ciyaare
747 rag waxa ugu liita looma maahmaahe, looma sheekeeye, looma soo gale(c)
748 rag waxa ugu liita, ma hadle ma heenseeye, ma haasawshe(C)
749 Rag wuxuu kugu bartuu kugu dilaa
750 ragi sadex bay ku kala baxaan , wax tegay ka hadhidii, wax jooga ka hadalkii, wax soo socda ka haloosigii
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post