Maahmaahyada somaliyed qaybta 11aad

 Maahmaahyada Soomaaliyeed qaybta kow iyo tobnaad

651 nin is faanshay waa ri is nuugtay
652 Nin iyo naag is qaba colna ma aha nabadna ma aha
653 nin iyo qabkiis
654 Nin jiifa lama legdo
655 nin kaa wayna waxba looma sheegonin dheerna waxba looma tilmaamo
656 nin kaligii tashaday waa nin orgi rartay
657 Nin keligii garramay, iyo nin dhul gannay midna ma gefo
658 nin ku arkaaya looma saro kaco
659 Nin ku necebi xantaa og, nin ku jeclina xogtaa og
660 Nin kuu digay kuma dilin
661 Nin la dhacay ama caytan ama habaartan
662 Nin la sugayoow adna yaad sugin
663 nin lagu seexdaw ha seexan
664 Nin maalin ma gaadhid, nina sanad ma gaadhid, nina weligaaba ma gaadhid nin maalin ma gaadhid oo waa ninka kaa faraska dheereeya, nin sanad ma gaadhid oo waa ninka xoolihiisu sanadkaa meel caws badan daaqiyey, nin weligaa ma gaadhid oo waa ninka kaa
665 nin magaalo ka dudaw siigo yare
666 nin mar waashay waalida loogama sheekeeyo
667 Nin meeli u cadahay meeli ka madaw
668 nin nin kaaa xigo iyo hawl nin kaa xigo midna laguma deg dego
669 nin ood sida iyo nin adhi la joogaa arin ma kala laastaan
670 nin ooman biyaha hoo baa deeqa
671 Nin qoyani, biyo iskama dhowro
672 nin qurux badan naagtaada uga yaab nin fool xuna naftaada uga yaab
673 nin rag ah looma duur xulo
674 nin reer ugu wayn iyo naag naag ka umulisay midna siday wax u arkaan uma sheegaan
675 Nin sigtay ma nabad gelin
676 nin soo fadhiiso laga waayo soo seexaa laga helaa
677 Nin soori kaa qaaday waa nin seefi kaa qaaday
678 nin tuur lihi sida uu u seexdo isagaa kaa yaqaan
679 nin waalan tolkii baa u miyir qaba
680 Nin walba intay taagtii tahay baa qoraxdu ugu tagtaa
681 Nin walba meeshii buktaa belbesha
682 Nin waliba waxa uu yahay ayuu ku moodaa
683 Nin war kuu keenay war kaa qaad
684 Nin wax dhaqay dhurwaana wax u dhaq
685 Nin wax yaqaan daaqsin geel baa wax loo mariyaa, ninaan wax aqoonna qaanso qurqurkeed
686 Nin wayn tag lama yidhaahdee wuxuu ku tagaa la tusaa
687 Nin wayni waa qorax casar joogta
688 Nin wayni wadkiisa waa yaqaan
689 Nin xil qaaday eed qaad
690 Nin xoola ku siiya in badan baad aragtaa ninse talo ku siiya wax yar baad aragtaa
691 Nin yari waa nin ban soo ordaya
692 Nina dabeecadiisa lama doorin karo
693 Ninaan hadlin, hooyadiis qadisay
694 Ninba curadkiisa ceel gee
695 Ninba gurigii gaado ku leh
696 Ninba kaskiisuu kor tagaa
697 Ninka aan hadalka suginin warrankana ma sugo
698 Ninka aragiisu ku deeqo ayaa oontiisuna ku deeqdaa
699 Ninkaad adhi weydiisanayso, geel weydii
700 Ninkii belaayadaada raba, bawdkaagu qori ka jabsadaa
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post