Maahmaahyada qaybta 10aad

 Maahmaahyada Soomaaliyeed qaybta tobonaad

601 nafsi raaga rag iyo geel baa iska leh
602 nafsigu ma hadho
603 naftu orod bay kugu aamintaa
604 Naftu waxay ogtahay ilaashataa
605 Naxariis eebbe lagama quusto
606 nimaad dhashay kuma dhalin
607 nimaad fadhiga kaga adag tahay looma saro kaco
608 Nimaad kabahiisa tolayso, kafantaada tolaaya
609 Nimaad kabo ka tolanayso kabihiisaa la eegaa
610 nimaan balan lahayni waa nin aan diin lahayn
611 Nimaan dhididin ma dhergo
612 nimaan dhul marin dhaayo malaha
613 nimaan hadlin habartiina wax ma siiso
614 nimaan hubsiimo lahayni war gal maaha(C)
615 Nimaan kuu furu doonin yuusan kuu rarin
616 nimaan naxariisan looma naxariisto
617 nimaan qaybin jirin haduu qaybiyo nimaan qadi jirin baa qada
618 nimaan qooq dilin maroodi ma dilo
619 nimaan shantaasi kaa dabaalin sharci kaama dabaalo
620 nimaan shaqaysan shaah waa ka xaaraan
621 nimaan shaqaysan shaxaad baa dila
622 nimaan waxa jooga garanin waxa soo socdana ma garto
623 Nimay meeli buktaa isagay balbashaa
624 Nin aad kabtiisa tolaysaa, kadabkaaga jaraya
625 nin aan baqani ma bad baado
626 Nin aan dhididin ma dhargo
627 nin aan dulqaadasho lahayni waa geel aan horwayn lahayn
628 Nin aan hadlin habartiisba qadisay
629 Nin aan kuu furayni yuu kuu rarin
630 nin aan maahmaahin cod kar maaha(C)
631 nin aan wax garad ahayn haanta gadaankeedaa wax loo saaraa nin wax garad ahna daaqsin geel
632 nin aanad maalin ku baranin sanad kuma baratid
633 nin abaal gala wax badan baa la arkaa ninse guda wax yar baa la arkaa
634 nin ani yidhi dad iska saar(sooc)
635 nin buka boqol u tali
636 Nin casarkii isa sheegay, cishihii ceebi ma qabato
637 Nin daad qaaday xunbo cuskey
638 Nin dameero dabadood ka degay meel uga tooban buu waayey
639 Nin dameero rartaa dad la toy ma aha
640 Nin dhintay kabihiisaa dhaama
641 nin durbaan tumay ilaaq dalbay
642 Nin durbaan tuntay ilaaq dalbay
643 Nin duulay dantii kaa og
644 nin faash wataa xaabo ma waayo
645 Nin fadhiya, looma saro joogsado
646 nin faruurani ma fooryo
647 nin gu kaa wayn garaad kaa wayn
648 nin hadduu isukaa waalo waa laysla waalaa
649 nin ilko waa wayn haduu dhintona inuu qoslayaa la moodaa
650 Nin Illaahay ka dambeeya kabtii ma yeela
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post