Maahmaahyada soomaaliyeed qaybta 9aad


Maahmaahyada Soomaaliyeed qaybta sagaalaad

501 Hubsiimo hal baa la siistaa
502 Hunguri wax ka weyn la mariyaa wuu dillaacaa
503 Hunguri weyni kuunto weyni baa laga qaadaa
504 Hunnu hunnu hadal maaha, himbiriirsi arag ma aha
505 Hurdo cagahay ka bilaabataa
506 Hurdo habar ma koriso
507 ibtilaysan ayaa belaayo tilmaanta
508 Il ibtilaysan ayaa balaayo tilmaanta
509 Illeyn doqoni qiiq kama kacdee daamankey meer meerisaa
510 In habari gasho, hali ma qaado
511 inantay hooyadeed hadhuudhka tuntaa iyana haadintay barataa
512 Inantii hooyadeed hadhuudhka tuntaa, iyana hufkiyo haadiskay barataa
513 indho is jecel isma eegi karaan
514 inneen daaman nool ma daalaan, oo dad baan nahay kaama daayaan
515 inta aanad falin ka fiirso
516 Inta gaari la doon-doonayo, ayaa goombaar wiilkeedu ciidamiyaa
517 Inta Jiillaal loo adkaysto, jir looma adkeysto
518 Intaadan falin ka fiirso
519 Intii orod jirey, kuftinna way jirtey
520 irrid af ma daboole ee ood baa daboosha
521 ishaadaa kuu macalin ah
522 ishaadu waa kula da' dhegtaaduna way kaa da'wayn tahay
523 Ishaaduna waa kula fil, dhegtaaduna way kaa weyntahay
524 Ishiisa laga gartaa, Ushiisa lagu tumaa
525 Isla weyn, dooro weyn
526 isma hubsato aroorkeeda ka mashxaradaa la yidhaahdaa
527 Isma'og aqalkiibay aslaysaa
528 Isu qabe aan loo qabin
529 jacayl biri ma gawso
530 " Jacayl Biri ma goyso Biyana kaama maydhaan"""
531 jidh qalaad waa dhul qalaad
532 jiid aan ku jiidee waa gacmo daalis
533 Jinni, Ninkii keenaa bixiya
534 Kaadi badane waa loo gogol badiyaa
535 Kab xume ma hadho ee kab laawaa hadha
536 Kaftan iyo kaadi baa laysku cadaaba
537 karis xun iyana ku wax la
538 Kelyo nimaan lahayn bay kaadiyi dishaa
539 Kibir waa lagu kufaa
540 kibir wuxu kaa saaraa hadhka meelse kuma geeyo
541 kibiraw kab iga xoor faanawna far iga jabi
542 Kitaab gurigiisii loo diiday, sayax Illaah baa baday
543 Kitaab meelaan lagu fasirayn laguma furfuro
544 kolka waylaha la helo ayaa loodana la maalaa
545 kuftin jillib iyo habaar waalid midina sahal kuma hadho
546 La jiifiyaana bannaan, La joojiyaana bannaan
547 laabtu low ma aha hadba la laalaabi karo
548 laani
549 Laba layskuma daro: bidaar iyo timo, baryo iyo ad-adayg
550 Laba qaawan isma qaaddo
551 laba tallaabo dhexdood baa talo ka dhalataa laba u la
552 Labaatan jir intuu geed ka booduu talo ka boodaa
553 labadii qaydhin ku qaybsatay bisayl iskuma cawrido
554 labadii xaqdaro ku heshiisa xaqay ku diriraan
555 labo bukta ma is baaniyaan
556 labo qaawani isma qaado
557 lacagina lacag bay dhashaa injirina qindhicil
558 Laf jabtay sideedii ma noqoto
559 lafo geel iyagaa laysku jebshaa
560 lama gano falaadh kugu soo noqon doonta
561 lama huraan waa caws jiilaal
562 lax gawracan maqaarsiib kuma xanuunsato
563 Laxi shilalkay is dhigtaa lagu qalaa
564 Layligu kasha biyihiisa ku jiruu ka didaa
565 libaax aan dhiig dhadhaminini habeen ma ciyo
566 Libaax deeqi ka gurxamisay
567 Libaax intay bulbushu ku taal, bahal ma cuno
568 Libaax lab god lagama kiciyo
569 libaax nin aan aqoon baa lax ka rida
570 libaax nin ganay iyo nin galadayba og
571 Lixdan jir laguma helo qiimigaad laba jirkaa wayday
572 Loogow laguu minan fadhiyee
573 lugtii jeeniga dhaaftaa way jabtaa
574 luqun dheeraatay madax ma dhaafto
575 luuq luuq maraw laasim laamiguu iman
576 Naag kun baa koodisa ,kow baana guursada
577 Naag, naag ka umulisay iyo nin reer u weyni, midna siday wax u ogyihiin uma sheegaan
578 Naagaha iyo carruurtaba sasabaa lagu wadaa
579 naagi kun nin way la sheekaysataa kawna way ka guursataa
580 Naagi naag lala qabo waa u col
581 Naagi nimay legdaan, kama kacaan
582 Naagi ninkay legedo kama kacdo
583 Naago abaal ha u gelin amaahse ha u diidin
584 Naago badhaadhahooday ka sheekeeyaan, ragna ba'ooda
585 Naago been baa lagu soo xero geliyaa runna waa lagu dhaqaa
586 Naago iyo riyaba diifta ayey isku eryoodaan
587 Naago jileec iyo naxariis midna wax kuma laha
588 Naago nimaan maddaxooda maja u rogin nin ma moodaan
589 Naago nin ay yaqaaniin col ma moodaan
590 Naago waa belo loo baahan yahay
591 Naago waa u samir ama ka simir
592 Naago wax laga bixiyey laguma dhaqo oo wax loo hayaa lagu dhaqaa
593 Naago yaryarasi ma le
594 Naagtii caana xun dhigataa iyana ku murud la'
595 Naaguhu hoosiis bay hadh moodaan
596 Naar hooba galaaso bartaa ey la aragneey, tiimbooy (Naar si fiican baa loo galaa, hadii kale banaankaa laga joogaa)
597 Naaso kor u jeeda nin arkaa, kuwo hoos u jeeda ma arko
598 nabad la'aani waa nolol la'aan
599 Naf wax jecel allaa dhibay
600 Nafeey, nin ku doona ku waa
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post