Maahmaahyada murtida qaybta 8aad

 Maahmaahyada Soomaaliyeed qaybta siddeedaad

401 gaws iyo gustoona layskuma ag dhaqdhaqaajiyo
402 Geed joog gartii waa yaqaan, laga dhimayna dhaxalkii waa yaqaan
403 Geed walba in gubtaa, waa hoos taal
404 Geel carruuri qaaday ma foga
405 geel caruuri qaaday ma foga
406 Geel darreeray nin ka dayrshay ma awliya Allaa
407 geel indho kuul muxuu ka kasaa?
408 geel laba jir soo wada mar
409 Geel soddon qaday, saddex kuma dari waayo
410 Geeli waa geel, wixii gooyaana waa geel
411 Geel-jire isagooy ushu u goantahay ayuu xaggeen ka goostaa ku yidhaa
412 Geeljire, geela waa wada jirtaa, waana kala jirtaa
413 Geelow geed walba daaqdaye, markaad Ciin daaqdaa laguu yaabaa
414 Geeri nimaan aqoon iyo geel jiray ku wanaagsantahay :)
415 Geeriyu nin aadan aqoonin iyo geeljiray ku roomntahay
416 gees loaad kulayl kaa lagu jaraa
417 Gees lo'aad kulaylkaa lagu gooyaa
418 geesi allaahay ma xilo
419 Geesi, Alle ma xidho
420 Gobanimo waa joome
421 God hadimo ha qodin, haddaad qoddana ha dheerayn, ku dhici doontaana ma ogid
422 god mar ku asturay xumaantiisa lama sheeg sheego
423 Gorayo la hub sayoo haad bay noqotay
424 Gorgor, haadda ka weyn
425 gorgortan saaxiib iyo walaal toona ma yaqaan
426 Gudineey ima goyseen, haddaan badhkay kugu jirin
427 Gudini geed ma goyseen, haddaan geed kale ku goyn
428 Gumur uraasa, weyne gurudee (gumur wey urtaa waana lagurtaa)
429 Gurbaan Garabkaaga ha kuugu jiro ama gacalkaa hakuu hayo
430 Gus ma adkee wax ka jilicsan buu helay
431 Guur marka hore waa sino dhuuban yahay, marka dambena waa sino ballaaran yahay
432 guursato loo galmoon og
433 haad habeen kacay waxbaa kiciyey
434 haani guntay ka tolantaa
435 habaar waalid ma hadho
436 habar baas inan baas bay ahayd
437 Habar caal weydey durey bay hafartaa
438 habar dhali wayday aleelo ku waalatay
439 Habar fadhida legdini wax uga fudud
440 Habar Jeclo, hadalka dib bay u gocotaa
441 Habar roob hayo, ta kalena inuu hayey modaa
442 Habeen ciidan maaha
443 habeenkii hoos baa loo hadlaa maalintiina hareera haa layska eegaa
444 hadal aan fiiro loo odhani wuu kula fogaadaa, caano aan fiiqsi loo dhamina feedhahay wax yeelaan
445 hadal badani haan ma buuxsho
446 hadal hadal kama dheera
447 Hadal intaadan buu ammaan yahay
448 Hadal iyo hablaba duco la'aan bay tarmaan
449 Hadal iyo hilbaba kala qalan
450 hadal lama wadaagee caanaa la wadaagaa
451 hadal nin badiyeyna ma dhamayn nin yareeyeyna waxba kama tegin
452 Hadal nin badiyeyna ma wada odhan, nin yarreeyeyna kama wad tegin
453 Hadal nin si u yiri, ninna si u qaaday
454 hadal tuurtuur kuma sama
455 hadal waa dheh iyo dhagayso
456 Hadal waa la kala odhan og yahay illaahayna waa la kala bariyi og yahay
457 hadal waa margi
458 Hadal waa mergi hadba meel u jiidma
459 hadal waayeel waa guudmar
460 Hadal yar iyo hawl badan
461 hadalaw nin si kuu yidhi hawraarayna ninba si kuu qaaday
462 hadalka kiisa kulul iyo kiisa qaboobi meel buu isugu tagaa
463 Hadalka wanaagsani waa sadaqo
464 hadalku intuu uurkaaga ku jiro ayuu amaanadaa yahay
465 Hadalku intuu uurkaaga ku jiro ayuu ammaano yahay
466 hadalna sii dhehbaa diley hanbana sii hudhbaa dishay
467 haday fooli timaado gudo qarsiimo reeban
468 hadba sidii loo jabaa loo dhitiyaa
469 haddaad been sheegayso been run u eeg sheeg
470 haddaad hungurooto waa la hadlaa oo habaa la dhisaa wax laug helo
471 haddaad tagto meel lagu il laayahay ishaa layska ridaa
472 Haddaan sacabka xeeli ku jiran, maxaa habeenkii loo tumaa
473 Hadday curaddii durdurisay aaran maxaad moodday
474 Hadday degdegsiiyo door dhalaan, kaadsiiyana kiish lacageey dhalaan
475 Hadday tubaako, faa'iido leedahay Habargidir baa liqi lahayd
476 Haddii aan la kala roonaan roob ma dao
477 Haddii lagu sheego waa lays sheelaa, haddii lagu sheelana waa lays sheegaa
478 Haddii uu deg degsiinyo door dhalo raagsiin yuhuna kiish lacaguu dhalaa
479 hadii aad dhimanayso dhareerkaa layska duwaa
480 Hal diidaysaa geed ay ku xoqato ma weydo
481 Hal libaax arkaysaa ma godlato
482 Hal libaax arkaysaa ma godlato
483 Hal maqaarka diidaysaa daldalool bay ka eegtaa
484 Haliba wiilkay korisaa, wedkeeda leh
485 halmaan hadal kuma jiro
486 Hamba soor ma eh
487 Hangaraarac lug uma dhutiyo
488 Harag sagaaro iiga kac ma ahee iiga durug ma leh
489 Hasha naasa adag iyo weedha (hadalka) maxaa kulmiyey
490 Hashu ragaadka, maysku eryeysaa, mise wayska bixinaysaa
491 Hawli jid caddeysay
492 Hawo iyo hoos galbeed labadaba lama gaadho
493 Heeraa wan ma eh??
494 Heesta geelu waa kala horreysaa
495 Hilib beer laga dooray waa weyd
496 Hilib hal dukhsi ayaa qudhmiya
497 Hillaac biyihiisuu muujiyaa
498 Hoonbaro libaax bay soo wadaa
499 Hooyadii ka guure habar yartii kuma negaado
500 Hubkaaga iyo hayinkaaga, midna laguma hodmo
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post