Maahmaahyada somali qaybta 7aad

Maahmaahyada Soomaaliyeed qaybta toddobaad

301 Dhurwaabaa lagu yidhi fool xumadaa, markaasuu yidhi walaalkay weerana ma aragteen
302 Dhuumashada dhabarku muqdo dhuumasho ma aha
303 Dib u gurasho dib bay kuu dhigtaa
304 Dibi hooyo xumi hore uma koro
305 Dibi hooyo xumi korme ma noqdo
306 Dibi hooyo xumi, hore ma noqdo
307 Dibi, bay waw dhutiyaa
308 Diidiink weelshee deymoodaa ka koriyee ma danbar manuujiyaaw = Diinku ubadkiisa eegmaduu ku koriyaa
309 Dix dhaaxood dhagax ka waa, hayeesa hangool ka waa
310 Dixrigu(duqsigu) dantiisuu qudhunka ugu jiraa
311 Doc ka yeedh iyo dameerkaba daankaa la jebiyaa
312 Doofaarka ficil la'aan baa loo cadaabaa
313 Dooro hadey hal waddo iyo hadey toban waddo Kurug ,Kurug ma Dhaafeeyso
314 Dooro hadey hal waddo iyo hadey toban waddo kurug, kurug ma dhaafeeyso
315 Dooro qoor qabasho biyo kuma cabto
316 Dooro xaarka way wada cuntaa, af-tirashadeyse isku dhaantaa
317 Doqon alle bariday xeradeeday ka aragtay
318 Doqon dib bay wax ka garataa
319 Doqon ha u gargaarin hana gargaarsan
320 Doqon iyo habeen baa madaw
321 Doqon milantay iyo geesi damac bartay dhexdoodaa miidaamo ka hacdaa
322 Doqon nebi Muusaa habaaray
323 Doqon qaddar alla taqaanna qulucdaada looma dhiibto
324 Doqon sokeeye maaha
325 Doqoneey dabkaa ba
326 Doqoni amaanay lahayn bay u rixisaa
327 Doqoni cad ciid loogu riday cay bay mooddaa
328 Doqoni calaf ma leh
329 Doqoni haddii nla xifaaltamo in la is diriray bay mooddaa
330 Doqoni hoosiis bay had mooddaa
331 Doqoni meeshii la isku diriray uun bay ogeyd, meeshii lagu heshiiye sema oga
332 Doqoni qiiq kama kacdee daamankay meer meerisaa
333 Doqoni saaf carro loogu riday, sad bursiinyo ma mooddo
334 Doqoni sokeeye ma aha
335 Doqoni waxay leedahay laba iyo toban indhood, hal mid waxay ku aragtaa
336 Doqoni xarigga lagu xiri xusulladay ku sidataa
337 Doqoni xin mooyiye, xisaab ma oga
338 Doqoniino waa shil
339 " Doqonkii lumay oo la soo helay wuxuu yiri; ""Maxaa la iiga farxi berriba waan lumiye"
340 Doqonta usha agteedaa lagu dhuftaa haday garan waydana goshaa oo geshaa
341 Doqontu afka xanbay ku sidaa ishana xil
342 Doqontu hadalkay dib u gocotaa*
343 Doqontu marka la ficil tamayo in laka tagayo ayey moodaa
344 Doqontu xeerna ma hoyso, xoolana ma hoyso
345 Dudumo dheeraataa dhulkuun bay ku noqotaa
346 Dudun dareen ii dugsasho inis ki dartooy = Dudun dareen iyo dugsasho,ha iskugudarin
347 Dudun dareen ii dugsashu inis ki dartooy
348 Dukhsi biyo ku dabaal bartay fuud buu ku bakhtiyaa
349 Dukhsi dantiisuu dumurka (qudhunka) ugu jiraa
350 Dukhsi dantiisuu dumurka ugu jiraa
351 Dukulush timir deeri waayi Kharaaraa tuf in erre?
352 Dul qaadasho yey noqon tii dibiga
353 Dumaal ni ka xishooday kama ilmo dhalo
354 Dumar iyo dheri toona yar yaraysi malaha
355 Dumar yaryaraysi male
356 Dumarka been baa lagu soo xero geliyaa runa waa lagu dhaqaa
357 Duqsi, caanuu ku dabaal bartaa fuudbuuse ku gubtaa
358 Durduro geel baa ku jaba
359 Durduro waxarood xanan(qodax) bay kula gashaa
360 Erray nimaan dhaafin odday ma dhalin
361 Ey is cunaysaa waraabe iskama celiso
362 Eydin geel kolba waa ninkii ku danbeeya
363 Eygii oo laf diiday ma noola
364 faanoole fari kama qodna
365 fadhi iyo fuud yicibeed laysku waa
366 falaadhi gilgilasho kaagama godo
367 Fallaartii cirka loo ganay cid kastoy filo
368 Far bugtaa, Faro ka dheer
369 Far iyo meel bugtaa is og
370 far kaliyihi waji ma maydho
371 Far keliya Fool ma dhaqdo
372 faras aanad lahayn fuul madiisa futaqaradh baa laga qaadaa
373 Fardaha dheereeyaa Fagaarahay isku arkaan
374 fardo laysu hayo maxaa laysugu faan
375 farihii dufan leh ayaa wax duuga
376 faro ka ciyaar dabo ka ciyaar baa dhaanta
377 Farsamo xumo, futada cankeeday ku goysaa
378 Faruurow maxaa berbera ku geeyey? Dee faduul!
379 fulay hooyadii ma goblanto
380 fulay wax ka qoryo badan
381 fulay wax ka wadne weyn
382 fullaw guuli kuu dhawaydaa
383 Futo iyo dhul isma huraan
384 Gaal dil gartiisana sii
385 gaashaan qaad ma anbado
386 Gabadh nin dhali karaa dhiqi kara
387 gabadha dheg-dameer in leeg baa ku dansanta wiilkana in til leeg baa ku darsanta
388 Gabadhi waa meel xun joog
389 gacani waa miskiin
390 Gacantaadu hadday dhudhub gasho, lagama dhuftee waa laga dhirindhiriyaa
391 Gacantii oodan goyn karin, waa la shumiyaa?
392 gacmo wada jirbay wax ku goyn karaan
393 Gadal gadaal geed looma koro
394 gadhba gadhbaa la tusaa
395 Gar dabadeed, guu-guu (gunuunuc) baan nacay
396 gar waa loo wada islaam
397 Gardarraa ma guulaysto
398 Gardarro looma garbo yeelo
399 Gari ilaahay bay taqaan
400 Gari laba nin kama wada qosliso
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post