Maahmaahyada qaybta 6aad

Maahmaahyada soomaalid ku maahmaahdo qaybta lixaad

251 Dantaada iyo madaxaaga midna lagama boodo
252 Dantaadana, maqaar eybaa loogu seexdaa
253 Dantii mooge, maro duuga ka liitee
254 Dantu ceebba ma lahee dadkuun baysku nacaya
255 Darandoorriyaaba naas-naasi (Nin ordaaba istaag
256 Dardaaran caweysin kallah arooryaad buu leeyahay (Arrin la qorsheeyey meel laga bilaaboayey leedahay
257 Dardaaran waa inta xayga la yahay
258 Dawaco geel ma cunto
259 Dawaco meeshay macal idood ku baratay, macaluul ugu bakhtidaa
260 Dawarsato dariiqay ku collowdaa
261 Deero waa dal maddays
262 Deriskaa dagaalkaaga rabaa, dooradaada ceshaas ku dhahaa
263 Deriskaaskaa marna ku dayo marna ku diin
264 Dhabada yari dhabada wayn bay kugu ridaa
265 Dhac dushii laguma wada hadlo
266 Dhadhan shaa waalan dhergaana ka sii daran
267 Dhagar qabe dhulkaa u dhaq-dhaqaaqa
268 Dhagax meel dhow buu ku dhacaa, hadalna meel dheer
269 Dhagax tuujin iyo taabasho waa isugu mid
270 Dhalaan dheelaa baradi, dhusuntaa far koo galiyee?
271 Dhalaan dheelaa baradi,dhusuntaa far koo galiyee = Dhalaan (caruur,ilmo,ubad)ciyaarta bartay dabaduu
272 Dhalaan qayladu waa qaboonada
273 Dhaliili dhaban bay ku taal
274 Dhalinyaro dhubuq dhubuq hore dhabana hays danbay leedahay
275 Dhallaan dhargay fartaa loo lulaa (way iska qoslayaan)
276 Dhallaan qayladii waa qaboonada
277 Dhar kaa dheer dhaxan kaama reebo
278 Dhaxal gorayo dhabad baa leh
279 Dhaxal goroyo dhebed baa iska leh
280 Dhedo roob noqon weydey
281 Dheere iyo gabane un baa jiree, Dhuubane majiro
282 Dheerow ii gaabow yaa jaree, dhuubow ma jaro
283 Dheg haddii la jaro daloolkaa hara
284 Dheg wax xun maqlaysaa wax wacan ma weriso
285 Dhegta hadii la gooyo daloolkaa hadha
286 Dheriga karkaa maxaa ka keenay, kulayl weeye
287 Dhib lagula qabo dhib ma eh
288 Dhicisku inta mindida loo soo siduu bakhtiyaa
289 Dhidar xabaalo qod bartay qudhin buu uga dhacaa
290 Dhiig islaan ma qarsoomo
291 Dhiil maran iyo dhiil buuxa la iskuma dhufto (Wax aan isu qalmi la isma dhaafsado)
292 Dhilaa la waaniyey markaasay tidhi ii dhakhsada rag bay sugayee
293 Dhillo, intaadan dhillo oran bay dhillo ku tiraahdaa
294 Dhilo garcatay mar horey ku nabad gashay
295 Dhoofaa kaa dhimay
296 Dhoofaa kaa dhimay! (bal tan ka warran, ma run baa?)
297 Dhool bari ka soo kacaa dhaan loo nageeyaa
298 Dhubuq-dhubuq hore dhabanahays dambey leedahay
299 Dhur waa la tegis bartay ka ridistu waa ku ceeb
300 Dhurwaa dhoomo laguma rarto
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post