Maahmaahyada soomaaliyeed qaybta 5aad

Maahmaahyada qaybta shanaad oo tahan

201 Daacadi ma hungowdo
202 Daahdaahow hortiis dafo waaye (Arrin degdeg u baahan lagama daaho sida heblaayo aad ogayd ooy hebel
203 Daawo tiro wax kuma tarto
204 Dab aan ku gubin kulaylkiisa ma ogid
205 Dab ama hadal baa lagu bakhtiiyaa ama biyo
206 Dab iyo xanuun meel ma wada fadhiistaan
207 Dab munaafaq shiday baa duul dhan guba
208 Dabaan kuleelkiisa la arag danbaskiisa lagama leexdo
209 Dabada iiga qor anigaa durugsan doonee (Ma dhiirrado nin aan garab wax lagula dhisayni)
210 Dabagaale timir gaari waayey qaraara buu yiraahda'
211 Dabalaay gooji ama ha goojin geela gu'ga dhalay uun baa lagugu tirin
212 Dabeecad xuma dad kaa saartay
213 Dabeecaddu diinta waa ka badh
214 Dabkii baxayaa dab lagu qabsadaa
215 Dacartuba mar bay malab dhashaa
216 Dacas iyo dameeraba lama kala laha
217 Dacas kaa wayni dhiiqaday kugu farjiyaan
218 Dacawadii tallaabada nebiga ku dayatay, teediina ka tagtay tu kalena gaari weydey
219 Dacawo duul-duul badan af libaaxeey dalaq dhahdaa
220 Dad iyo weel godanba waa la badsadaa (weelka godan biyahaa ku urura)
221 Dad kaa badan iyo biyo kaa badanba way ku hanfiyaan
222 Dad wax ugu liita ma tashe ma toshe ma tashiishe
223 Dad wax yar tare ma ahee, wax ma tare ma leh
224 Dad waxa ugu muran badan jaxar iyo jaahil
225 Dad waxa yaqaan nin tuugsaday iyo nin u taliyey
226 Dad waxaa yqaan nin tuugay iyo nin u taliyey
227 Dadku hadalkay isku afgartaan xooluhuna urta
228 Dadqal looma gurguurto
229 Dagaal qofbaa ku dhintee qof kuma dhasho
230 Dagaal wiil kuma dhashee, wiilbaa ku dhinta
231 Dal aqoon la'aan waa la habaabaa, dad aqoon la'aana waa la qadaa
232 Daleel marow maradiis geed ma daarow
233 Dameer dhaan raac
234 Dameer waa dameer sidii goodirkaba haw boodee
235 Dameeraha Adari qofkii oodda ka qaadaa aroorsa
236 Dameeraha Awdal ninkii ooda ka rogaa arroorsha
237 Dameeraha ta ugu xun baa ugu haraati kulul
238 Dameeraha ta ugu yar baa ugu biqlo badan
239 Dameeri dhaan raacday
240 Dameeri isku hallayn bay hooyadeed dabada uga nuugtaa
241 Dameero awdalan ninkii ooda ka qaadaa arooriya
242 Dameertu geel-didiska khuruf-khuruftay kaga dartay
243 Dameertu inta aanay cida baran ayey dhuusada barataa
244 Dameertu isku halayn bay hooyadeed dabada uga nuugtaa
245 Dameertu ma hadhsato ilmaheedana ma hadhiso
246 Dammeeraley Dad la xeer maaha
247 Dan iyo xarrago is weyday
248 Dan layskuma naco
249 Dani waa seeto
250 Dantaada derin karkaranna waa loogu seexdaa
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post