Maahmaayada soomaaliyeed oo tahan qaybta 4aad


Maamaah tahan qaybta afaraad

151 Caleen qudhac calool geel ma buuxiso
152 Caleen qudhac calool geel waxba kama tarto
153 Cali noolba wax sii
154 Calool adayg waa illaahay wehelkii
155 Calool rag waa webi xagaa
156 Canaan ka yaab ceesaan ma doojo(waa lagu canaanan dantaada looma seego)
157 Canaan ka yaab reer ma doojo
158 Canbe laf baa ku jirta
159 Canjeero siday u kala koreysaa loo cunaa
160 Caqli gaaliyo indho quraanjo lama arko
161 Caqli: Dugaag sankuu ka galay; Xoolo, sankuu ka galay; Rag, xabadkuu ka galay; Naago, indhuu ka gala
162 Car faruurow foori gaalee?
163 Carab iyo ilkaa cid isugu dhaw iyana weeys qaniinaan
164 Carab iyo labadiisa daan baa isugu dhaw iyana way is qaniinaan
165 Carab loaad caws looma tilmaamo
166 Caro walaal waa la bariiyaa (subax baa lala sugaa)
167 Carraabo, fadhaa quusiyey
168 Carrab dalab leh waa la gartaa, uur dadbanse lama garto
169 Carruurey cayntaa ba´day
170 Carruuri kor cabsooday leedahaye, kal cabsooda ma leh
171 Carruurta mulaca cayaar cayaar bay u dishaa, isagana waa u qur gooyo
172 Caruur gaalana ma aha muslinna ma aha ee waa kii lagu daraa
173 Caruuri waa ciil laga waynaado,
174 Casaan qurux kama qatana
175 Casarkii wixii kugu dhacaa cishihii lagugu caayaa
176 Ceeb looma dhinto, cara lalama qarxo, cayna looma dhaawacmo
177 Ceebtaaday kow ogtahay, kun looma sheego
178 Ceel biyo lihi ma foga
179 Ceel dad liqa, ul baa lagu dayaa
180 Ceesaan ninkii weyddiinteda kugu dhiba kaxaynteedaa lagu dhibaa
181 Ceesaantii arigeeda diidda orgi shisheeyaa saarta (fuula, u baxa ama ka qabsada)
182 Cid wax kusiisa wax badan baad aragtaa, cid kla talisase wax yar
183 Cidlo ciirsi m leh
184 Ciirtaa dhamaa, ceebtaada yaqaan
185 Ciise socod kuma laabna, abeesona samir kuma laabna
186 Cirmigaagoo dheeraadaa geel dhalayana waa ku tusaa
187 Ciyaar baa dhab u gadoonta
188 Ciyi waa ka beryey
189 Ciyigii waa ka beryey qofkii cunay baa ka liita
190 Ciyowga habeen dhawaaqay wax uu ka cawduu dareemay
191 Col hortii baa hub la samaystaa
192 Col iyo abaar cagahaagaa lagaga baxaa
193 Col iyo nabad mid baa caynka lagu xejiyaa
194 Col ku galay cabsi kugu reeb
195 Col naago ka kacay iyo cadho nirig ka kcday midna ma sahal kuma qaboobo
196 Colka wadhaf ma lagu dayey
197 Colkaa ma dhamaadee ka kuu xigo ha u danbeeyo
198 Cudud caano gaabsheen cagaar ma korsho
199 Culimo dad u eki bay kugu dishaa, abeesona dhul u eki
200 Cuntadaan gacantaada ku jirin iyo afkaagu way kala raagaan
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post