Maahmaahyada soomaalida qaybta 3aad

Maahmaah soomaaliyeed qaybta seddexaad

101 Baruuro sabool, badhaadhaa leh
102 Baryo badan iyo bukaan badanba waa laysku nacaa
103 Baryo iyo is daluuc layskuma daro
104 Basari buulkeeda bayaayo waaye
105 Baso waa baso si kastoo loo subko
106 Bawdo rag, maalinba midbaa qaawan
107 Beec-mushtar bilowgiis bur iyo bajiye waaye
108 Been doode been buu dhaartaa
109 Been fakatay runi ma gaadho
110 Beeni raad ma leh
111 Beentaada hore runtaada danbay u xuntahay
112 Beentaada hore, runtaada dambey dishaa
113 Beentaada hore, runtaada danbey u daran tahay
114 Beer wax dhalow ba'
115 Beerka jecli, xaydha jecli
116 Belaayo aanad guriga keensan banana kaama raacdo
117 Belaayo guur bay ku tiraahdaa ama guurso
118 Belaayo hor la qabtay leedahay ee dabo la qabto ma leh
119 Belaayo kaa sii jeeda layskuma soo jeedsho
120 Belo markay adiga kaa maqan tahay, qayrkaa bay ku maqan tahay
121 Bidaari sibiq bay kugu gashaa
122 Bilaysini Bir ka adag
123 Bililiqo doon waa nabad diid
124 Bil-saddex reerkaagana waa kaa kaxaysaa, reer kalena kuuma geyso
125 Bir baa bir goysa
126 Birta adag dab ayaa lagu jilciyaa
127 Bisayl iyo ceedhiin waxa u dhexeeya waa yac-yacood
128 Bisqin rag bay kuu gaysaa ragse kaama celiso
129 Biya sar tegey waa la sugayaa
130 Biyahaan fiiqsi loo liqin, iyo hadalkaan fiirsi loo oran feerahay wax yeelaan
131 Biyo ay horotood dhooqo tahay, dabadooda maxaad mooday
132 Biyo gorore oo meel godan bay isugu tageen
133 Biyo meel godan bay isugu tagaan
134 Biyo sacabbadaadaa looga dhergaa
135 Biyo socdaa biyo fadhiyey kiciyaan
136 Boqol sano oo dawlad xumo ah, hal habeen oo dawlad la'aana baa xun
137 Boraan hadimo ha qodin ku dhici doontaa mooyee
138 Buubaal biyaha korkiisa saran buu ka didaa
139 Buur caws ah oo biyo ku agyaal baadi doonyoo biciidkuba waa
140 Buurta Saw iyo Sogsogley iyo Samow Boorame
141 Caana daatay qabasho ma leh
142 Caano baqay haddaad aragto, waa bi'iso naagood
143 Caano Jiilaal canba canbid
144 Caano yar iyo ciidan yarba marka la waayo ayaa la tebaa
145 Caasigaa iridkaaga ma mooga, baarri dadow dad kuuma noqdo
146 Cabaabiba cadaab bay ka subxaanalaysataa
147 Cadawgaa looma taahee, tun ku adkay
148 Cadho walaal waa la bariyaa (waa loo dulqaataa walaalkaa)
149 Cadku ceeji, xil iyo geeriba kuu dil
150 Calafkaa, nin ku rabaa baa haya
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post