Maahmaahyada tahan qaybta 2aad

Qaybta labaad mahmaahyada soomaaliyeed

51 Allow aqoon xumo hannagu caabin eexona hannooga tegin
52 Allow nin aan wax ogeyn ha cadaabin
53 Ama afeef hore lahow ama adkaysi danbe
54 Ama faro dufan leh ku qaad ama faro dac leh
55 Ama waa la muuqdaa ama waa la maqanyahay
56 Ammaan lama dhu-dhumiyo
57 Ammaano cirkaa diiday, oo dhulkaa diiday, oo Aadmi baa qaatay
58 Ammaano kugu raagtey inaad leedahay baad mooddaa
59 Amxaar la arag yaaba ferenji xaaji
60 Amxaaro madax gumac galay leedahaye madax hadal galo ma laha
61 Aqal libaax lafo lagam waayo
62 Aqoon la'aani waa iftiin la'aan
63 Aqoon xumo abaar ka daran(qorsho xumo abaar ka daran)
64 Arin nin la toosan ayaa nin kale tuur la leh
65 Aroos lagama raago, lagumana raago
66 Arrad waa dan uskagse waa doqonniino
67 Arrimo rag waa mudacyo afkood
68 Arrin aan sidii futo riyaad la feydin, ma fayoobaato
69 Arrin kaa tagtat Ahaa sooma celiso
70 Arrin waa mid kugu soo booddiyo, mid kugu bariday
71 Arrin xumo abaar ka daran
72 Atoorku intiisuu guun ku yahay
73 Awr awr wado iyo nin naagi waddi midna kaama leexdaan
74 Awr kala guurtay uurar kala guurey baa ka xun
75 Awrba awrka ka horreeya ayuu horraan-qaadkiisa leeyahay
76 Awrka danbe awrka hore socodkiisuu leeyahay
77 Ayax teg eedna reeb
78 Ayaydaa taag darran iyadoon tabar lahayn bay dadka isku taagtaagi
79 Baadi nin aan lahayn bay agjoogtaa
80 Baahiyi qof kuu daran bay kuu geysaa
81 Baareey guur, oo sixnigaagana la guur
82 Baddu waa isku dhadhan
83 Badhi mag ma laha
84 Balaayo laba qad ha kuu jirto
85 Balaayo madax la qabtay leedahaye minjo la qabto ma laha
86 Balaayooy buulkaagaa laga galaa
87 Ballan habeenimo, jarmaado subax buu leeyahay
88 Ballaysin bir ka adag
89 Ban waraabiyo gaala baqataba baraa la helaa
90 Bannaankaba arkaayow maxaa babac ku saaraaya
91 Bannaankiis mare maradiisa geed ma qabsado
92 Baqal fardo la miratay dhigood bay is moodaa
93 Barasho horteed dad ha nicin
94 Barasho horteed ha i nicin
95 Barasho u yeelo geedkaad cugsan doonto
96 Bari waaga mooyee wax san kama yimaadaan
97 Barrooriba buulkeeday ku hartaa
98 Bartii yaqaan, bari uma korodho
99 Bartii yaqaannbar xoolaad kuma korodho
100 Baruur qudhuntay baa baruuro badan qudhmisa
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post