Maahmaahyada soomaali oo tahan 1aad

Maahmaayo soomaaliyeed qaybta koowaad

1 Aadme la aragyaaba, dhib la arag
2 Aan wada hadalno waa aan heshiino
3 Aar qoyey dacawo la mood
4 Abaal dad galaa badan, dad gudaase yar
5 Abaal raaga rag baa leh, mid baaqdana haween baa leh, mid soo dhakhsadana xoolaa leh
6 Abeesada taan sanqarta iyo tan aammusan, tan aamusan baa la qaatay
7 Abeesana dhul u eki bay wax ku dishaa waadaadna dad u eki
8 Abgaal calool la deguu leeyahay, ee cidhif la dego ma leh
9 Abkeey dooli diloow, dad nool maas u dahaa
10 Aburku inta aanu kugu tufin ayaa lagu tufaa
11 Aburku intaanu kugu tufin, baa lagu tufaa
12 Abuur iyo waano abuur baa horreysey
13 Adduun i khatal
14 Adduunyo ka kabo li'id, aakhirana u salaad li'id
15 Adhi been wuu didaa beense ma dhutiyo
16 Adhi jiri ma kala abaal waydo
17 Adhi jiri xil bay wadaagtaa
18 Adhi magantii ma barriiyo
19 Adhi shidho laga daayo
20 Adhi-jiri ma kala abaal weydo
21 Adin waa la dhibaa, ilna waa la dhawraa
22 Adoo nabad u balawaara, beloy kaalay lama yari
23 Aduun wey ki amoodeey ogaaw
24 Af aamusani marti ma sedo
25 Af aanad aqooni aabahaa wasna waa kaa yeedhsiiyaa
26 Af aanad lahayn ileen aamus lama dhaho
27 Af aanad lahayn lama qabto
28 Af ama reer aw mahdi ha ku hadlo ama lo' ha ku daaqdo
29 Af daboolan dahab
30 Af Daboolan, Dahab waaye
31 Af hadlaaba aamus
32 Af jabtay sideedii ma noqoto
33 Af jooga looma adeego
34 Af macaan gacan macaan baa dhaanta
35 Af nooli waa hadlaa Eyna waa ciyaa
36 Af noolina waa hadlaa eyna waa ciyaa
37 Af waa kane, maxaa lagu aamaa
38 Af wax cunay xishoo
39 Afar gacmood abaar ka daran (Hunguri weyni waa cudur)
40 Afar layskuma daro: Waan guuri; Waan guursan; Geel baan qaadi; Geenyaan gadan
41 Afar waa afar: Noloshu waa Niyad; Naftu waa qaali; Nacaybku waa olol; Nabsigu waa qaraar
42 Af-ka nool abooto mudac
43 Afkaad goojaamo kaga keentay kula hadal
44 Afkaagoo ku xidha oon ku furin alle goo baa la yidhaahdaa
45 Afkii dab yiri ma guban
46 Afxumo nabad way kaa kaxaysaa colaadna waxba kaagama tarto
47 Ag-joog, Ninkii xilo doonayowna Xamaro agjoog
48 Alif kaa xumaaday Albaqra kaama haro
49 Alla aamin ma iisho
50 Alle watow wehel uma baahna
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post