Kaniini uurka reeba oo nimanka loogu talaggalay

Waxaa soo baxay goor dhow kaniini nimanka loogu talaggalay oo uurka lagu reebo, waxaa sheegay wargeys ka soo baxa dalka Indonesia in la helay qaab cusub oo uurka loo reebo, taasoo qaadatay cilmi baaris gaaraysa muddo 30 sano ah, kaniiniyadan cusub uurka reeba oo loogu talaggalay nimanka inay cabbaan ayaa waxaa laga sameeyay geed lagu magacaabo  gendarussa kaasoo ka baxo dalka Indonesia, dad badan u dhashay dalkaas ayaa geedka sida shaaha oo kale u adeegsan jiray waxaa loo malayn jiray inay tahay arrintaas kuturakuteen laakin marka ay dhakhaatiirta baaritaanno ku sameeyeen waxaa la ogaaday inuu reebi karo boqolkiiba sagaashan iyo sagaal
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post