Waa kuma amin arts muxuusee sameeyaa oo uu sawiraa






Waa kuma Amin arts, sida la ogyahay amin arts waa Farshaxanle weyn Soomaaliyeed oo ku nool dalka Canada wuxuu sawiraa waxyaalaha ku saabsan sawirada dalka Soomaaliyeed xagga siyaasadda bulshada iyo dhamaan nolosha Soomaaliyeed, Amin arts magaciisa rasmiga waa Amin Amir wuxuu sawiri jiray waagii hore sawirada xayaysiinta, marka uu degay dalka Canada wuxuu furtay website oo caan ah markaas ayuu bilaabay inuu faafiyo sawirada farshaxanka, amin arts wuxuu aad u weeraraa dadka ka dambeeyay burburka xamar siibada muuryaanta iyo tuugada, sida la ogyahay aad ayaa loogu gooddiyay marka uu in badan ka sawiray waxyaalaha ka jira xamar siiba dulmiga loo geeysanayo dadka laga badan yahay, halkaan waxaan ku soo qaadanaynaa sairo badan tusaale u noqon kara waxyaalaha uu wax ka sawiray

Sheekh Shariif iyo Shariif sakiin

sida laga fahmayo sawirada amin arts waxaad arkaysaa isagoo aad u weeraraya sheekh shariif iyo shariif sakiin taas uu ku muujiyay sawiro badan oo ay ka id yihiin sawiradaan






 Xarakada Al-shabaab

Aad ayuu u weeraraa amin arts al-shabaab, siiba marka ay muqdisho ahysteen wuxuu ka sawiray waxyaalo badan, waxaa ka mid ah sawirada uu ka sawiray al-shaab siiba wuxuu aad u weerari jiray Xasan daahir aways




Dam-jadiid

sidoo kale wuxuu ka dabaqaatay kooxda lagu magacaabo dam jadiid wuxuu ka sameeyay sairo gacmeedyo fara badan taas oo tilaamaysa inuu ka soo horjeedo siyaasaddooda


Somali-land

kama fakan farshaxanlaha amin arts dalka la magac baxay soomali waqooyi aad buu u sairay sairo ka hadlaya siyaasadda somaliland iyo sida ay yihiin maamul ahaanba




Puntland 

sawiro badan ayuu ka diyaariyay amin arts dowlad goboleedka la magac baxday puntland 





Sports

marka aan eegno cayaaraha dibadda aad buu uga sawiraa wayaalo la xiriira natiijada iyo sida ay tahay xaaladda dadka


Dalalka carabta

waxaad arkaysaa amin aamir oo ka sawiraya xaaladda ay ku jiraan dalalka carbta siiba marka ay ka dhaceen kacdoonka caanka 

Dalka jabuuti

Sidoo kale wuxuu tilmaamay dhowr jeer wadanka jabuuti


Kuwaan waa tusaale keliya in badan ayuu ka sawiray amin arts xalaadaha oo dhan dalka iyo dibaddaba

video taariikhda amin arts

 
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post