Mooryaan waa maxay maxaase keenay


Xamar 1992
Muuryaan waxaa la dhahaa ninka hubaysan oo ku nool boobka dadka oo u soo shaqa taga dhaca iyo dilka, ereygan waxaa si rasmi ah loo suuq galaiyay markuu dhacay maamulkii madaxweynihii hore Maxamed Siyaad Barre, dad badan ayaa noqday muuryaan  oo ku caanbaxay boobka dadka iyo kufsiga dumarka soomaaliyeed, qaar waxay samayn jireen wax insaanka caqliga leh uuna samaynin, mar waxaa dhacay nin xamaali ah oo gaari gacmeed ku riixayay meel dhooqo ah ayaa ku firdhiyay dhooqo nin muuryaan ah oo meesha marayay umana qasdin ninkii muuryaanka ahaa wuxuu u yimid ninka xamaaliga ah wuxuu isku dayay inuu dilo ninkii xamaaliga ahaa ayaa tuugay wuxuu ku dhahay iga raalli noqo kuuma jeedin kii muuryaanka ahaa wuxuu ku yiri haddii aad rabto inaan ku cafiyo dhooqadaan cab haddii kale waan ku dilaa dadkii oo dhan way daawanayaan ninkii xamaaliga ahaa dhooqadii ayuu si dhib ku cabbay isagoo baqaya, waxaa dhacay sheekooyin arrimahaan ka sii daran, muuryaannimadu waxay noqotay moodal layska dhaxlo oo nolosha soomaali ka mid ah oo aan ceeb ahayn waxaad arkaysaa nin wadaad ah oo walaalkii muuryaan ah ama aabbihii
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post