Soomaalida qabiiladooda waa dad kala duwan

Soomaalidu waxay isku dileen qabyaalad laakin ma og tahay inuuna jirin qaabil wada dhashay oo saafi ah, qabiil kasta soomaali ah ma aha dad walaalo ah waa dad ab ka ab isu biirsaday sidaa awgeed waxaad ka halaysaa hal qabiil dad aad u kala duwan mid aad u badow mid aad u cad mid san weyn mid san dhuuban mid timo adag leh iyo mid timo jilicsan, taas waxay tilmaamaysaa dadka soomaaliyeed inay qaarkooda koonfurta hindi ay ka soo guureen qaarna carabta qaarka xabashada qaarna kenya iyo tanzania markaas ayaa la helay bulshadan hadda taagan oo isu malaynaya inay yihiin dad hal ab ka soo  jeedo, qof kasta dib ha ugu laabto qabiilkiisa ha fiiriyo sida ay kala yihiin maba noqon karaa dad hal ab ka soo jiido, taasna waxaad ka arkaysaa dadka oo dhan qabiil walba , marka maxaa lasu laynayaa oo loo dagaalmayaa dadka halka qabiilka ahba haddii aysan asal wadaagin, waxaa yaab leh iyagoo sidan ah ayay haddana takoorayaan qabiillada qaar sida midgaanka oo kale waa jaahilnimada ugu daran ee soomaali
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post