Yaa sidan dalka u galay akhriso hadalkan

Dalkeena waxaa yaalla khayraad fara badan oo aan la soo koobi karin keliya waxay u baahan yihiin dad isku duuban oo ka faa'idaysan kara, sababaha ugu weyn burburka waa dadka tuugada qandaraas ku qaatay dilka iyo boobka iyo dhaca, ka jiray soomaali, marka ay dhacday dowladda, dadka qabqableyaasha waxay bilaabeen inay maanta dalka iibiyaan tubbooyinka ay la soo baxaan, beeraha ay burburiyaan, geedaha ay dhuxul ka dhigaan, maarta iyo fiilooyinka  ay la soo baxaan, markaad eegto dalka wuxuu gadaal noqday 100 sano, soomaali waxaa lagu tiriyaa adduunka meesha ugu liidato dhulka aan ku nool nahay dadkiisa meel kasta ayay ku daadsan yihiin, khayrka dhulkooda yaallana wuxuu la'yahay dad  la soo baxo, waxaa la dhihi karaa yaa keenay dhibkan ka dhacay Soomaaliya, marka hore wax kasta waa qadar sidoo kale wax kastana sabab ay leeyihiin, haddii annaga aanan isku xirmin oo dadkeena isu keenin qabyaaladda aynaan tuurin dulligaan ayaan ku jiraynaa, waad ogtihiin dadka doorka weyn ka ciyaaray xasuuqidda Soomaaliya waxaa ka mid ah, Cismaan Caato, Muuse Suudi Yalaxow, Maxamed Dheere, Cumar Finish, Cali Mahdi Maxmed, Maxamed Faarax Caydiid, Axmed Cumar Jees, Maxamed Xirsi Moorgan, Maxamed Siyaad Barre, Cabdiqaadir Zoobe, Maxamed Ibraahim Cigaal, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Cabdi Qaybdiid, Xasan Daahir Aweys dhamaan iyo kuwa aanan halkan ku xusIn, waxay sabab u noqdeen soomali sidan inay noqoto.











Post a Comment (0)
Previous Post Next Post