Fiiri nin American ah dadka hortooda waxa uu ku sameeyay

nin soo islaamay
Wanaaga waa raaxo
Qof maraykan ah ayaa wuxuu ku tukaday masjid ku yaalla dalka maraykanka, marka salaadda dhamaatay ayaa wuxuu aaday mikrofoonka masjidka, wuu qabsaday faataxada ayuu akhriyay isagoo ay dhib ku tahay, waxaa fahmi kara inuu faataxada akhrinayo qofka faataxada yaqaana keliya, markuu dhameeyay wuu baxay, imaamka masjidka ayaa daba raacay wuxuu yiri : maxaad u samaysay sidaas? ninkii ayaa yiri: aniga waxaan soo islaamay labo maalmood ka hor waxaan akhriyay kitaab islaamka ka sheekeeya oo af ingiriis u tarjuman, waxaan ka arkay Nabiga (naxariis iyo nabadgelyo korjkiisa ha ahaatee) dhahaya : "iga gaarsiiya dadka hal aayad xitaa ha ahaatee". marka aniga waxaan xifdiyay 7 aayadood markaas dadka ayaan gaarsiinayay sidaas ayaan u ugu akhriyay msajidka.

2 Comments

Post a Comment
Previous Post Next Post