Galmada afurka kaddib dhibka ay leedahay

Galmada furka kaddib dhibka ay leedahayGalmada afurka kaddib waxay leedahay dhibaatooyinkan sida la ogyahay qofka markuu sooman yahay jirkiisa wuxuu joojiyaa shaqada dheefshiidka siiba mindhicirada iyo caloosha, marka uu cunto cuno waxay bilaabaan shaqo, qofka markaas wuxuu dareemayaa caajis iyo tabar daro waxaase laga yaabaa inuu kacsi dareemo, laakin galmada waxay u baahan tahay shaqo culus, haddii qofka uu galmo sameeyo afurka kaddib wuxuu kala kulmaa arrimahan midkooda:

1- in dheefshiidka culays noqdo oo markaas qofka uu dareemo daac

qurun iyo calool dibir.
2- inay galmadu suurtagali weyso waayo jirka wuxuu ku mashuulsan

yahay shiidida cuntada marka dhiigga ma soo gaari karo xubnaha

taranka, markaas ninka geedkiisa sida la rabay uma kici karo
3- qofka wuxuu dareemaa daal aad u culus wuxuu u keenayaa arrinta

inay sida la rabay u dhacin

goorma ay fiican tahay galmada bisha ramadaan?

waxay fiican tahay galmada inay dhacdo afurka kaddib 5 saac oo kale marka cuntada qofka ku shiidanto oo uu soo tukado cisha iyo salaadda taraawiixda oo jirkiisa almiinto fiican soo qaato.
dadka qaarkooda waxay laaxideen dadka dhalinyarta ah waxay aad u dareemaan kacsiga iyagoo sooman qaar xitaa siigo ayay ku dhacaan iyagoo maalin ramadan ay tahay, taas waxaa keenaya mararka qaarkooda gaajada iyo oonka qofka maskaxdiisa waxay ku furaan maaddo oo casabka dhaqaajisa taas oo keeni karta kacsi marka ninka wuxuu gaarayaa heer uu soonkiisa buriyo.
sidoo kale  waxaa la rabaa qofka inuu sucuurto waqti dambe oo uu iska ilaaliyo inuu ka fikiro maalinta ramadaanka galmo ama wax galmo la xiriira.

1 Comments

Post a Comment
Previous Post Next Post